• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

GEERAARO KA DHASHAY JACEYL DHAB AH


GEERAAR AAD U MACAAN

Gacalisadaan jeclaayeey

Guud ahaan adduunyada

Adaan kaa garwaaqsaday

Gaduudkaaga dhiinka ah baa

 Gebigeey isaaqay

Axdigii hagarabmarin

Guursanmaayo inan kale

God inaad gasho mooyee

 Ama aad igoysa

Garaadkey wuxuu isiiyey

Guur inaan yagleelnoon

Gurigeey ku geystoon

Gogol kugula seexdo

 GAWAYADII CILMI BOODHARI Caashaqa Haween – Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari) Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan gabayada Cilmi Boodhari. Gabaygan wuxuu marka hore Cilmi ugu jawaabayaa dadkii Cilmi caashaqa kula yaabsanaa. Wuxuuna u sheegayaa caashaqu in aanu layaab lahayn ee yahay wax caadi ah oo Ilaahay aadmiga ku abuuray weligiina uu soo jirey. Dadkana waxa lab iyo dhedig looga dhigay inay is cajebiyaan. Marka xigtana wuxuu dadkan la yaabsan ku lahaa muu gabadhan yar iska ilaawo oo mid kale meelahaa u doonto, in aanay arintu sidaa u sahlaneyn. Wuxuuna u sheegayaa in aanu iska saari karayn caashaqan ku habsadey Ilaahay oo ka saara mooyeene. Waxuu leeyahay wax kastana sameeyey oo wax aan ku bugsado oo iga saara ma hayo, xataa wadaadadii ayaa iga saari kari waayey. Cilmi wuxuu leeyahay waxa keliya ee dawada ii ahi waa anigoo Hodan hela, xaalka aan maanta ku jirona waxaa ka roon anigoo dhinta. Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene Soomaalidaa caado xune iguma caydeene Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku circadaayeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay. Qariyo Laabtiyo Qariya Laabtiina – Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari) Dad badan ayaa jeclaa inay Cilmi wax la qabtaan hase yeeshee nasiib daradu waxay ahayd qof keliya oo meesha uu doonayo in wax lagala qabto ka gargaari karaysey ma jirin. Waxaa la yidhi koox hablo ah iyo dhalinyaro kale ayaa damcay inay Cilmi ilowsiiyaan jacaylka Hodan iyagoo u keenaya hablo aad u qurxa badan isla markaana fursad u siinaya inuu kala baxo tuu isagu doonayo iyadoon maal iyo mankab kale toona lagu xidhayn loona arooso. Maalin maalmaha ka mida ayaa Cilmi loo keenay gabadho aad iyo aad u qurxo badan si qayral caadi ahna loogu soo lebisey. Ujeedaduna waxay ahayd in Cilmi lagu asqaysiiyo gabadhaahaa qurxaa badan leh dabeedna uu mid ka mid uga xusho oo Hodan iyo jacaylkeeda ilowsiisa. Nasiib daro ma dhicin dadkan iyo Cilmina laba muujadood oo kal duwan ayey ka kala hadlayeen. Waayo waxani wuxuu ahaa wax awooddiisa ka baxsan ee muu ahayn wax uu isagu hogaanka u hayey markuu doonana is jeclaysiinayo markuu doonana is nacsiinayo. Cilmi wuxuu gabdhihii ugu jawaabey tixdan: Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina

About these ads

4 Responses

  1. aniga waxaan rabaa inaad ii soo diraan geeraarada jaceylka ok

  2. waxaan aad u xiiseyaa geeradada jaceelka ama mida daadiska

  3. woooooooooow caadi ma ahan web kaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: