• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

FARIIMAHA JACEYLKA


1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.

Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.

mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto .

Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.

Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .

Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo .

Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .

Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .

In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .

Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo .

Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .

Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .
Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:
In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca , .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada .
Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno

· waxa qoray qoraga weyn ee arimaha jaceylka
Cumar cabdi xashi

5 Responses

  1. aadd ugu mahadsantahay bro

  2. Bahdiinaan aayaha nolosha sheekoyinkiina ma deyseen se cml dhawaanahan wax ma arkine

  3. I like it it wonderfull it is really intersting and i like somali sheeko

  4. Sxb aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay waxan ka codsan lahayn inaad sii kordhisaan fariimahan aadna noo ogolatiin inaan anakana idin caawino

  5. Asc sxbayal wad ku mahad san tihin farimaha adno diyarisen runti aad ban uguhelo waxa idin kacodsaneya inad no wadaan anigana wan idin caawin doona

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: