• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

HEESAHA JACEYLKA PART 2


Kooshin

Biloow bisinkaa u wayn                                                      
aqoon barashaa ka wayn
bilaahi yaqiin u wayn
xijaabna bogaa u wayn

nafteeyda badhbaad tahoo
jacayl igu biireybaa
intaa igu baahayee

bogii arami baa ku wayn
wadnaha boholyoow ku wayn
caashaqu been been ka wayn
bukaan xaalkani ka wayn
beerkey adaa ku wayn

Nimco

Bishuba xidigigaha ka wayn
talena guurbaa u wayn
barwaaqaa nolol u wayn
jacaylkuna waa bur wayn

bilaash iskama hadlee
jacaylkaad beerteybaa
intaa igu baahayee

boggii arami baa ku wayn
wadnaha boholyoow ku wayn
caashaqu been been ka wayn
bukaan xaalkani ka wayn
beerkeey adaa ku wayn.

Kooshin

Ba daba Alifkaa ka wayn
Arday bara-haa ka wayn
baddu wabiyada u wayn
barduhu geedaha u wayn

run baan laga beeydhin oo
kal gacal lama baylahshee
axdigu buuraha ka wayn

bogii arami baa ku wayn
wadnaha boholyoow ku wayn
caashaqu been been ka wayn
bukaan xaalkani ka wayn
beerkeey adaa ku wayn

Nimco

Bidhaan qurux baa u wayn
indhaha bilicbaa u wayn
biseel xiisuhu ka wayn
baro-na nabad baa u wayn

bilaash iskama hadlee
jacaylkaad beertay baa
intaa igu baahayee

bogii arami baa ku wayn
wadnaha boholyoow ku wayn
caashaqu been been ka wayn
bukaan xaalkani ka wayn
beerkeey adaa ku wayn.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: