Xabad yahey waxaad tahey
Xulashada haweenkoo
Xaqiiqdii mid kula mid ah
Wali lama xanbaarine
Xuural cayn la moodyeey
Xaragada u dhalataay
Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xusuustaba
Xadantoodayee
Xidigyahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa nool
Xabaal baan dul aalaa.
Xishoodka iyo edebtaba
Midi loo xanbaarshaay
Xidigyahey dhankeeygii
Xididaad ku leedee
Xuural ceyn la moodyeey
Xaragada udhalataay
Gacmahaaga xaadaleh
Markaan soo xasuustaba
Xadantooday yeey
Xidigyahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa nool
Xabaal baan dul aalaa
Ku xayndaaban inanyahey
Caashaqu xageeygee
Adna xadhiga ila qabo
Xaqbaan kuugu yeeshee
Xuural ceyn la moodyeey
Xaragada udhalataay
Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xusuustaba
Xadantoodayee
Xidig yahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa noo
Xabaal baan dul aalaa
Filed under: Uncategorized |
Leave a Reply