• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Dhanbaal caashaq oo xiiso badan Q.1aad


Soow luuntii anfaaciga
iyo kama go’in waxaan liqo.
Soow laamigaa wixii mara.
Kama daba lugeeyoo.
Laasim kuma malaystaba.
Lug kastoo dhaqaaqdaba.

Malaha leeylo gobo’leey.
Iyo laqdabaabad moodaa.
laakiin baad u aragtaa.
Beer laxawsigaygana.
Malaa caashaqa laftiisaba.
Malaqmayn karayside.
Mar haduu laftaadiyo.
Adi kugu lug duubnayn.
Wuxuu Layn ha laayee.
Waxba kaama lumayaan.

Ladnaan baad u hurudaa.
Laxooxdana u bidhataa.
Liirada talyaaniga.
Iyo yuuroo Lacagaheedaad.
Laydh qaboow ku nuugtaa.
Lahawyada aduunyadu.
Adi kuma labaayaan.

Malaha luunkaan i gawracay
iyo leeleelkan aan ahay.
Laxaw kuguma beeraan,
Malaa ludda kama dareensanid.
Leedo fuulka caashaqa sida uu u laba jaro.
Ciduu laadku ugu dhaco.

Lafa guridda Sheekada.
Liibaanto hay badin.
Inuu dhiigu liigee.
Luxudkana hay dhigin.
Waa lagu su’aaliye.
Ila laba lis Caashaqa.
Aan libin ka gaaree.

2 Responses

  1. asc waan idin salamay dhamantiin waa tijaabo cusub

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: