• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Noloshu waa jaceyl Jaceylkuna waa Nolol part 1


Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu
talo galay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka, Sheekadan

Jaceyl waa jaceyl, qaraar iyo macaan sida uu kuu helaba waa nasiibkaaga. Balsa
waligaa ogaaw JACEYL macaan iyo qaraar labada waa inuu la haado.

JACEYL aan labada is jecel u wada ooyin, oo u ilmeeynin inbadan, ma noqdo mid
macaan iyo dhadhan lo aayo mustaqbalka yeesho

hadii aan si kale u dhaho, in aad markasta wax macaan uun cuntid waad iska nacee,
oo waxyaabo kala bedelan ayaad u baahantahay, waa dabeeciga bani aadamka oo laga
yaabanyahay taasna. Balsa waxaa dhab ah in qofka aan waligiis murugo arkin uusan
waxba ka aqoonin farxad, maxaa yeelay ma aqoonsan kartid waxa aad heeysatid adiga
oo aysan kugu dhicin,

ama ku qabsanin wax ka duwan waxa aad caadi ahaan la kortay, ama cagsiga nolosha
aad horay ugu noolaal jirtay, tusaala ahaan hadii aad markasta qofta aad
jeceshahay aad waxwalba heshiis ku tihiin, waxaa muhiim ah in aad mar uun is
qilaaftaan si aad markaad heshiisiin micnahiisa u ogaatid xaqiiqo ahaan.

Waa su’aal biliaadanka ku soo noqnoqota inbadan, markuu qof walba wax uun iska
dareemo ama iftiin caashaq u soo ifo, is weeydiiyo. Maxaa marka hore loogu
jeesjeesaa dadka jaceylku gacanta ku haayo?

Maxaa inbadan oo naga mid ah u beenshaan in jaceyl jiroäba? Waa yaab, soo maahan
aqli yaro iyo damiir la’aan in aan dadka wax jecel markeena hore ku qosolna,
qaarkeen dad waalan ama maskaxdii isku dardarsantay u arkaan kadibna markii
maalinkeena la soo gaaro ay calaacal,

iyo ma maleeyneeynin meelaha la wareegno, lana ooyno, jaceylka iyo shoogka
weeyninka badan uu nolosheena sida lama filaanka ah ugu soo biiray??!! Inta aadna
is warsanin waxa jaceyl yahay, suaalaha aan kor ku soo xusay is weeydii!!

Nasiib wanaag in badan oo ka mid ah dad waxeey aaminsan yihiin amaba ku qanacsan
yihiin inuu jaceyl yahay laba qafood ama lamaano jaceyl iyo gacaltooyo aan inta
isku heeynin isla wadaagay, ruuxba ruuxa kale noloshiisa ku qanacsan tahay, oo uu
hayo hami joogta,

farxad ka qaado aragiisa/maqalkiisa, dareen xad dhaaf ah iyo fir-fircooni hor leh
uu dareemo markuu qofkaas arko, islana wadagaan bogta xanuuneyso ee ku wada taala
una baahan dhayida iyo daawada aan dhaqtar heeysanin.

Qof wax jecel waa qof aan dhihi karno ma qabo indhu uu war ku arko, aqlina
warkiisa iska dhaaf, waxaan dhihi karaa qofka wax jecel aqligiisa iyo qalbigiisa
waxaa koreeya QALBIGIISA, taas uu u saamaxi doonin inuu si sax ah u fekero, ama
arko xumaanto ama xanta dadka kale ka arkaan qofkiisa/laamahiisa uu jecelyahay.

Qofka aad dhabta u jeceshay waxaad u noqonee janno, asna Illaah naar kaagama
dhige, waa kaa darnaanaa ama waa kula mid. Daacad, eray macaan iyo wada hadal aad
aqligiisa/aqligeed la hadleyso ayaadna isbari doontaa hadii aadna horay u aqoonin
markii aad soo rugtid bagga CAASHAQA, naftaada qof ka qaalisan ay gacantaada soo
gasho, ilaa aad iska dhaadhacsiisid in qofkaan

dhimanaayo hadii aad ka tagtid, ama aad adiga dhimaneysid hadii aad ka dheeraatid
baahida aad u qabtid asiga/ayada darteed. Sidaas darteedna ayaad u ilaalisid sida
caruurta, dhalada, ama ukun madaxaaga saaran oo kaa dhici rabto qofkaas naftaasa
ka qaaalisan oo aad waxwalba u hurtay!.

Inta wax jeclaatay iyo kuwa wadda loogu soo jiraba mid ayaa isku raacay taaso ah
in qofka la jacel uu yahay qofka ugu qaalisanbiliaadanka, dunida aad u jeedid iyo
inta nuuxsata. Maxaayeelay nafsada wax jecel waxaa mar walba ka qaalisa nafta ay
jeceshahay. Markaad arageeda/maqalkeeda waaydana ay kugu abuurmayso murugo, cabsi,
tabar dari, wel-wel, walbahaar, hurdo la’aan iyo caajis hor leh, mana arki doontid
waxaas oo astaama jireed iyo mid maskaxeedba leh xaalad kale oo kugu abuuri
kartid, ama aad sidaas oo kale ula murugoon kartid.

Midka uu jaceyl rabo inuu ka qaado daaha saaran qalbigiisa cusub wiil iyo gabar,
waxeey markasta ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu u dhaafaa ama u
dhigaaliyaa ruuxaa u jeclyahay.

Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad caashaq, oo uu
weligiis hilmaami doonin, iyo sawirka qofka uu jeclaaday oo qalbiga ku sawirma.
Wiilkaas iyo gabadhaas waxeey go’aan ku gaaraan ayeey ku wada shaqeeyaan, sharci
ayaga u gooni iyo xeerar aan laga gudbi karin ayeey buuga caashaq ku wada qortaan
iyagoo kalsooni buuxda isku qaba,

waxa ay wax u sameeynaa uu yahay jaceylkooda iyo qalbiyadooda ay la jeclaan
lahaayeen in ay mid yihiin ama kala bedeshaan si qofkasta kiisa u ilaashado.
Waxeey ka tashadaan mustaqbalkooda dheer iyo noloshooda sida ay u midoobi
laheeyd. Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha maalin cusub,
oo waligood kalama dhergaan,

maalin iyo habeen, daqiiqad iyo saacad walbo hadii is ag dhafiyaan, ee la kala
wadi maago kuma jiro mid raali ku ah in ay kala tagaan!. Waxeyna mar walba is
xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshay, midib cusub,
kana macaan badanyahay kii shalay, weji cusub oo aan horay loogu aqoonin ayeeyna

qalbiyadooda ka wada arkaan ayagoo is tusaa, oo eray dareenkooda u bedelaa, iskuna
dhiirigelinaa in qof walba noqdo qof kale ceelka oo sirtiisa ku duugo, kuna aamino
oo inta kale kaga maarmo qofkaas dartiis! Niyada ayeey isku dhisaan, oo isku
qanciyaan in ay is yeelan doonaan, oo mar aan dheereeen ay is dhaxli doonaan.

Faa’iidooyin iyo qaasarooyin farahaas ka badan ayuu leeyahay jaceyl. Laakiin
waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa oo aad
dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, qalbigaaga wax cusub oo aadna
aqoonin sida aad eray ugu fasiri laheeyd ay kaa taabtaan, markaaad kaligaa tahayna
kula hadlaayaan, oo maskaxdaada buuxiyaan adigoonan isku fasari karin xataa, sida
in aad xabsi ugu jirtid wax aadna aqoonin,

dadkuna kula arkin hadi ay ku caawin lahaayeena! Taas oo
micnaheedu tahay xanuun cusub oo ku soo kordhay dareenkaaga iyo jirkaaga, iyo
shaqsiyadaadii hore oo la quursaday, ileen mid cusub oo aad ku qaabishid waxa kugu
soo socdo ayaad u baahantahee!!

Calaamooyinka jaceylka bilawga ah lagu yaqaano waxaa ka mid ah: Jirkoo ku jajaba,
oo aad xanuun iyo daal joogta ah ka dareentid, xataa hadii aadna maantay sariirta
ka kicin. Niyad xumi, xanaaq fudud oo waxwalba aadna u adkeysan karin, isnac,
kaliahaansho, dadka kale warkooda oo aad kahaarsatid, raashiinkood ka go’did, iyo
is daryeel la’aan jirka iyo maskaxdaadaba ah. Daawadaada waxaa haaya oo lagaa
rabaa in aad ka heshid kii/tii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa
maqashid/aragtid taasi waa qasaarada u leeyahay jaceyl, maxaayeelay qofkaan iyo
adiga daqiiqad walba islama qaadan kartaa oo adduun ayaa inku wada xiran,
qofwalbana teeda ayaa heeysata.

Hada iyo Talo si aad naftaada u badbaasid waa inaad iska yareysid feker joogta ah,
nafsadaana mashquul kaga dhigtaa waxyaabo kale, laakiin ka digtoonaaw, kana fogow
filimada jaceylka daawashooda. Maxaayeelay qofka wax jecel waa u hiyikacaa waxaana
ku saa’idaa dhadhanka boholyowga badan ka buuxo, oo soo wajahay

nolashiisa/nolosheeda. Maskaxdaada waxay u shaqeysaa si kale taaso ka dhex
guuxeeyso rajo xun iyo amaan darada la soo daristay shaqsiyadaada iyo qalbigaaga,
waa JACEYLE! Haddaba aan runta kuu sheego jaceylku waa wax aan sahleyn, oo aan
dhihi karo naftaada qaaliga ah ayuu kuu aqoonsan karaa. Qaas ahaan dhalinyarta
sida fudud u isticmaal, oo waxashnimo iyo fool xumado ka buuxda,

iyadoo wiil iyo gabar erayga jaceyl u isticmaala si yar, oo fududeysi saaida ah ka
muuqdo, ama isagoo/iyadoo doonaaya inuu dano gaar ah ku gaaro qofkaan/qoftaan uu
jaceylka ula kaca ugu abuuray, ama ula wado balsa uu ogyahay inuu jeclayn ama sii
jeclaan doonin. Digniin Ha ku dhihin naf aadan jaceyl u heynin waan ku jeclahay,
si aad niyada ugu dhisto ama aad kaga

badbaadid calaacalka iyo raja xumada qofkaas/qoftaan soo wajahi doona. Maxaayeelay
kor iyo hoosba maalin uunbaad RUNTA qaraar dhigaha kaga dilaacin doontaa qofkiiyoo
intaaan kaa jecel, kaaga rabitaan badan, kaaga kalsooni iyo rajo badan!.

Fadlan dadka u qaddari jaceylkooda iyo xanuunka la soo darso si aad adna markaaga
aadnan kaligaa u noqonin, oo laguu taageero hadii aad badbaado rabtid! ileen
NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!!

waa qalinkii
ifraax yuusuf axmed (IFKA)

ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
norwey OSLO
Akhriste fikrikaagu waa muhiin waxii talo iyo tusaale ah noogu soo hagaaji
e,mailada aad kor ka aragto ama comments ku samey halka et ku qorantahay leave your comments

2 Responses

  1. Asc asaxabta ugu horen waan idin salamay salansharaf kadib horto jacelka waa uu jira mana labenikaro sida muqato wayo waxad kadhehankarta taariqdii uu somaray cilmi bodhari iyo dhita jacel ee qabsatay taasina waxey kucadeyneysa in uu jirijiray hadana jiro wiligisna jiridona hadan intas kagudbo aniga nafsad ahanteyda waa uu i asibay waana kuguldareystay in aan hanto qoftii aan in mudo kuhaminayay marka jacel waa sheyga ugu muhimsan ee dunida ugu qalisan aana wax dahab iyo dolar midna laguheleynin hadii lagu badigobo marka waxana ugu hanbalyeynaya lamano kasta ee wadaaga jacel waxan dhihi laha cadawga jacelka hoos wiligisa hajiro jacel maxu jahil ka ogyahay by c/samad xusen cige mr:cige

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: