• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Xaqiiqada Jacaylka iyo Khatartiisa Sababaha keena iyo Dawayntiisa


03, 2004 – 14:11) Xaqiiqada Jacaylka iyo Khatartiisa
Sababaha keena iyo Dawayntiisa

Illaahay ayaa mahadleh, Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato nabigeeni maxamed ahaa ehelkiisa iyo asxaabtiisa dhamaan.

Caashaqu waa dawgal khatar ah waana bad xeel dheer caalamka jacaylka waxa ka buuxa Rajo iyo Xanuun ay ku hareeraysan yihiin xaalado iyo dhacdooyin khatar ah, dadka caashaqu ku dhacay waxay weheshadaan hoogiisa waxana ay la kulmaan qadhaadhka xanuunkiisa, qofka gala badiisana ee ay dhuftaan mowjadihiisu in uu nabadgalo waxa uu uga dhow yahay in uu halaagsamo.

Hadaba mashaqadan iyo dhibaatadan guud ahaan iyagoo dadka u soo marta wajiyo kala gedisan shaki kuma jiro in uu xasuuqay dad faro badan, hadaba waxa inala gudboon dadka ku ibtilowbay arimahan in aynu u naxariisano si aynu xal ugu helno mushkiladooda iyagana fahansiino xaqiiqada waana in la baadho sidii loo dowayn lahaa loogana hortagi lahaa.

Naxariista la inaga doonayaa maaha in aynu ku shidno dabka jacaylka inagoo uga waramayna wararka iyo sheekooyinka jacayladii hore inagoo u tusayna in ay ahaayeen halyayo taasina waxay keenaysaa in qofka ay ku balaadhato mashqadu, waxa is waydiin leh maxaa la inooga baahan yahay? Mar hadii ay sheekooyinka qaarkood ay balaayo uun sii siyaadinayaan.

Dhibaatooyinka waxa ka mid ah dhibanaha oo la xidhiidha saaxiiba dhakhtarkii dowayn lahaa, dhakhtarkuna iska daayo dowayntiisa isagoo ka baqaya dhawaaqa xanuunka iyo qadhaadhka dawada oo ku adag qofka buka, dhakhtarku waa in uu u adkaysto xanuunka saacadaha yar uu u gaysanayo dhibanaha si uu uga badbaadiyo xanuun sanado badan hayn lahaa.

Inta badan dadku marka ay ka hadlayaan jacaylka waxa ay ku soo kooban saawiyad cidhiidhi ah oo ah ta ugu cidhiidhsan macnayaasha jacaylka waxase ka maqan xagooga fahanka balaadh-nida jacaylka sida aynu ku arki doono safxadaha danbe.

Soo qoyso khadka soona qaado qalinkaaga si aad wax uga ogaato sirta jacaylka.

Barashada Cashaqa

Ibnu faaris waxa uu yidhi maadada caashaqu waana eray carabi ah oo kooban sadex xaraf ah Cayn oo ah indho, Shiin oo ah ku beegnasho, Qaaf oo ah heerka uu taagan yahay, marka aan intan aanu isku darnona waxay noqonaysaa ku beegnaanta indhu xadiga ay gaadhay.

Waxa la waydiyay abu abaas Caashaqa iyo Jacaylka midkee ayaa la qaatay? Waxa uu ugu jawaabay ninkii waydiyay oo ahaa axmed binu yaxya waxa la qaatay jacaylka waayo caashaqu malaha kanoqosho xitaa hadii qofka wax jaceli uu waayo qofkii uu jeclaa, waxa la yidhi caashaqu qofka waxa uu ku qasbaa in uu raaco hawadiisa, Caashaqu waa geed cagaaran cida dhadhabisana ay garanayso waxa uu yahay.

Waxa uu yidhi:- Ibnu Cabdi Al biri waxa la weydiyay dadka xigmada leh caashaqa waxayna yidhaahdeen waa shay mashquuliya qalbi faaruq ah.

Waxa uu yidhi:- Aflaadon caashaqu waxa uu dardar geliyaa naf faaruq ah.

Waxa uu yidhi:- Arsidoo caashaqu waa noocka mid ah jahliga oo dega qalbiga faaruqa ah ee fakir aan la hayn.

Waxa uu yidhi:- Sheekul islaam Ibnu Taymiya caashaqu waxa uu fasahaadiyaa garashada waana muuqal been ah waxana lagu gartaa caashaqu waxa uu u tusaa qofka wax jecel qofka uu jecel yahay si aanu ahayn ilaa uu gaadho in uu la wadaago dhibaatada caashaqa.

Maxaad ka taqaan magacyada Caashaqa

Waxa uu leeyahay magacyo badan oo midkastaba xabaarsan yahay macno gooni ah sida Ibnu qiyam ku sheegay Kitaabka Roowdatu al Muxubiin waxa uu leeyahay in ka badan 50 magac waxana ka mid ah, Jacayl, Caashaq, Kalgacal, Murugo, Qadhaadh, Waali, waxana aanu ka soo qaadan doona magacyada jacaylka intaas.

Marka la soo gaadho magacan caashaqa waa mid ka mid ah magacyadan waana ka ugu xun waana ay yarayd carabtii hore inta ay soo bandhigtay magacan waana ay asturi jireen kamana helaysid gabayadii hore ee carabiga ahaa waana eray ay hirgeliyeen dadkan denbe kumana jiro magacan erayada quraanka sinaha iyo xadiiska rasuulka (CSW) mar ayuu soo galay Xadiiskii Suwayd binu Siciid.

Noocyada Caashaqa

Caashaqu waxa uu noqon karaa mid isku dheeli tirin labada dhinac ka wax jecel iyo ka la jecel yahay waana ay dhici kartaa in midba midka kale jeclaado, waana ay dhici kartaa in mid uun wax jeclaado iyagoo ka kalena wax saamayn ah jacaylkaasi ku yeelan.

Hadaba noocyada jacaylka ee la tirin Karin waxaynu ka soo qaadanayna afar ka mid ah, 1 Caashaqa Raga iyo Dumarka waana ka ugu badan waana ka marka la soo hadal qaado jacaylada kale meesha ay ka baxaan, 2 Caashaqa Dumarka ee raga way dhacdaa in badan in dumarku raga jeclaadan laakiin maaha sida ka hore waayo waxa ku abuuran dumarka xishood kaas oo ku kalifaya in ay caashaqeeda qariso, 3 Caashaqa Raga ee Raga way dhacdaa in badan laakiin way adagtahay waana xadgudub, 4 Caashaqa Dumarka ee Dumarka kan hore looma aqoon inyar oo kooban mooyane laakiin waa wax imika soo shaacbaxay fidayna, akhbaarta dhacdooyinkani way faro badan yihiin waana ay adagtahay in la soo koobo.

Khatarta Caashaqa iyo Dhibaatadiisa

Caashaqu waa dowgal khatar ah dhibaatooyinkiisuna way adagtahay sida looga badbaado inta uu dad dilay lama koobi karo dhibaatayinkiisana lama tiring karo, hadaba dadkan caashaqa ehelkiisa ihi waa dadka ugu xun dadka waana kuwa ugu dulaysan waxayna ku gaadhan heer alle ka fogaansho waa kuwa dadka ugu mashquulsan.

Waxa uu yidhi:- Ibnu Taymiya caashaqu waxa uu dhaxalsiiya qofka nisqaan ku timaada caqligiisa iyo cilmigiisa, fasahaadku dhaca diintiisa iyo dhaqankiisa iyo isagoo ka mashquula danihiisa diimayd iyo kuwiisa aduunyaba, waxa markhaati kuugu filan inta laga garanayo xaaladaha umadihii hore iyo maqalka wararkooga, si aynu uga maarano in aynu samayno wax tijaabo ah waayo cida tijaabisa arinkaa ama cayinta in ku filan ayay wax ku qaadanaysaa waayo markasta oo caasha la soo hadal qaado waxa la ogaada in dhibaatadiisu ay ka faro badan tahay faa?iidadiisa, waa kuwa ugu dhibaato badan dadka uguna abaal marin yar, marka qofka wax caashaqsan qalbigiisu ku soo dhaco qof iska fogaynaya oo aragiisa doonayn waxa ku soo dhacaya noocyada shirkiga iyo fasahaadka oo aan illaahay mooyane cidi koobi Karin, hadii ay la gudboonato in uu samayo xumaan weyn waxa uu caadaysanayaa xitaa hadii uu yahay qofkani qof xun oo faasuq ah in uu sii caashaqsanaado uun, kuwaa waxa aad mooda sarkhaamin ama kuwa waalan.

Waxa aad u timid qofkii aad ku hamiyaysay
Caashaqa ayaana ka wayn wax kasta

Hadaba hadii uu qofku u qaado wajiga saxan ee xadka caashaqa ah waxa uu helayaa jacayl iyo isku xidhnaan waayo waxa la yidhi caashqu waa heerka ku qasbanaanta sida ka muuqata dadka ehlu cilmiga ah hadaladooda Gabayada iyo Suuganta ama ninkasta oo caashaqu ku dhacay waxa uu mid waliba markhaati ka yahay waynida khatartiisa iyo balaadhnida dhibaatadiisa waxayna yidhaahdeen qofka gala bada jacaylka ee ay qaado mowjadiisu in uu nabad gelo iyo in uu halaagsamo waxa uu u dhow yahay in uu halaagsamo, badhkoodna waxay yidhaadeen waalidu way noocyo badan tahay caashaquna waa nooc ka mid ah waalida, kuwa kalena waxay yidhaadeen imisaa nin halacsaday gabadh uu caashaqsan yahay ka dinba ay isku darsatay maal iyo maamus wixii uu lahaa iyo naftiisiba isaguna uu dayacay ehelkiisi iyo danihiisi aduunyo iyo diineedba, caashaqu waxa uu boqorka ka dhigaa mid la adoonsado sultaankana waxa uu ka dhigaa adoon.

Waxa laga yaaba in qofkasta oo akhrista mawducan uu aad u la yaabo laakiin marka aad akhrido qaybaha danbe waxa aad fahmi doontaa mawducan. Sida aynu uga sheekaynay xumaantiisa iyo dhibaatadiisa si ka xeel dheer ayaynu uga warami doona wanaaga iyo fadliga uu leeyahay.

Waxa uu yidhi:- Ibnu Qiyam isagoo cadaynaya khatarta caashaqa ee dhinaca diinta, Daawashada Muuqalka Xaaranta ah iyo Caashaqiisu waxay keenan Denbi, markasta oo qof ku u dhowaado dhinaca xumaanta waxa uu ka fogaada wanaaga, markaasna waxa kordha xiisaha uu u qobo xumaanta, mar kasta oo uu bato qofka wanaagisu waxa sii xoogaysta iimaankiisa waxana uu ka fogaada dawashada muuqalada ka xaaranta ah.

Sidaa darteed Qisadii Nabi Yuusuf (CS) ee Gabadha Boqorku ay Caashaqday Nabi Yuusuf (CS) iyadoo ku sugan gaalnimadeeda Nabi Yuusuf (CS) waxa uu kaga badbaaday iimankiisa.

Illaahay (SW) waxa uu yidhi ?Sidaas ayaanu uga saarnay xumaantii iyo Faaxash-nimadii isagu waxa uu ahaa adoomadayaga wanaagsan?

Xumaanta aayadan ku jirta waxa lagu fasilay Caashaqa, Faawaaxis-kana waxa lagu fasilay sinadii, sida illaahay (SW) uu ku tilmaamay aayadan Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ku badbaaday Muumini-nimadiisi illaahayna waxa uu ka badbaadiyay fidnadii caashaqa muuqalkii quruxda badnaa waayo qofka aan iimanka lahayn ayuu qalbigiisu ku xidhan yahay cid aan illaahay ahayn.

Mar kale, Dhibaato ku dhacda indhaha dhakhaatiirta oo ay kuna adkaato iska dawayntoodu waxay hor seeda in aanay dawayn xubnihii ay dawayn jireen, hadaba suntan dilaaga ah ee ah waxa ku xidhan qalbiga dadkuna ay u arkaan mid faa?iido leh waxa ay ku sii horisaa dabka Caashaqa waxana dadka ku adkaata sida ay u bakhtiin lahaayeen.

Waxana uu leeyahay qaybo, mar waxa uu galayaa Gaalnimo sida ninka gabadha uu caashaqsan yahay, Caashaqeedu uu kaga waynaado Jacaylka illaahay, qofka caashaqa noocan ah galaana waxa uu ku sugan yahay denbi weyn, calaamadaha caashaqa Gaalnimada waxa ka mid ah in raali-gelinta illaahay (SW) uu ka hor mariyo raali-gelinta qofka uu caashaqsan yahay, marka uu is barbar dhig ku sameeyo xaqa uu illaahay (SW) ku leeyahay iyo xaqa qofka uu caashaqsan yahay ku leeyahay waxa uu meesha ka saarayaa xaqii rabigii iyo cadeecidiisi waxana uu ku sharfayaa qofka uu jecel yahay wax kasta oo awoodiisa ah si uu u helo raali ahaan-shaha qofka si uu ugu dhowaado, Rabigiina waxa uu ka dhigtay hadii uu cadeeco in uu ka fadlinayo qofka uu caashaqsanaa.

Hadaba marka aad labadaada gacmood mid ku qabato dadka xaaladoodu sidan tahay ta kalena iimaankooga iyo towxiidkooga adiga oo ku miisamaya kafad illaahay iyo rasuulkiisu ay raali ka yihiin adiga oo dabaqaya cadaalad waxa ku cadaanaysa in masalooyinkani adigu aad ka markhaati noqonayso.

Iyadoo laga waramayo dhibaatooyinka caashaqa waxa ay yidhaadeen:- fara badanaa inta fidnada caashaqu ay madaxa goysay kuna tuurto holac iyo cadaab ololaysa, badanaa inta ay ka saartay cilmi iyo diin sida tin laga soo dhex saaray shay, badanaa inta ay ka baabisay nimcooyin ay ku jiraan ee ay dhaxal-siisay darxumo intuu seejiyay wanaaga ay lahaayeen ee ku denbeeyay duli, dad badan oo sharaf iyo tixgelin lahaa qadarin iyo maamus ayaa ku denbeeyay dabaqada u hooseya, fara badanaa inta ku khashif-matay ee ceebtooda laga sheekaytay cidhib-tooduna ay ku denbaysay xanuun iyo murugo, badanaa inta dabka khasaruhu uu gubay beerkooga, badanaa inta wayday qadarin ay ku lahayeen illaahay (SW) agtiisa iyo dadkaba, badanaa inta ku dhacday booran harimo.

Dhamaan waxyaabaha aanu soo sheegnay iyo kuwa kale oo ah dariiqa balaayada loo maro, hadaba waxa ay is waydiintu tahay Barwaaqa yahay maxaa ku abaareeyay? Aargoosi-yahow Maxaa dhib ah ee aan geestay? Hami iyo Muruga yahay Maxaa idin keenay? Wajiyahow maxaa nuurka kaa qaaday ee ku madoobeyay? Cadceedi iimaanka maxaa madoobeyay?

Hadaba marka aad ka jawaabto su?aalahan dadka ehlu caashaqa ihi hadii ay caqli leeyihiin waxay ogaan lahaayeen in ay yihiin sidii quryo madhan oo kale duli ay naftooda ay ku sameeyeen darteed.

Mar kale iyadoo laga hadlayay khiyaamooyinka shaydaanka waxa lagu tilmaamay in uu ka mid yahay caashaqan aynu ka waranay, waxana mulkiyay quluub-tooda kuwa ku sumooway yaraysiga kuwa ay caashaqeen, hadaba is mari waaga u dhexeeya caashaqa iyo towxiidka aynu hore u soo sheegnay ayaa caashaqu waxa uu xidhiidh la sameeya shaydaan kasta dago xidhan qofkuna waxa uu maxbuus u noqdaa hawadiisa iyadana u noqota xaakin iyo amiir waxana ku balaadhan quluub-tiisa mixnada waxana ka buuxsama fidno waxana ay kala dhex gashaa isaga iyo hanuunka iyadana sidey doonta ugu tasarufta waxayna ka xaraashtaa suuqa iyadoo ku iibinaysa qiimo jaban.

Waxa hoogay qofka jecel qof aan jeclayn, waxana qiimo dhaq ku dhacay jecelkii waxana lumay faa?iidooyinkiisi, waxa soo hadhay dhibaatadiisi iyo khasaarihiisi, qofkana waxa ku kulmay laba khasaare oo kala ah quwada qofka wax jecel iyo nimcada uu ku sugan yahay iyo khaasraha iyo dhibaatada ay ku denbayso, hadaba wuu garanayaa ka wax khiyaamaynayaa shayga uu qaatay iyo qofkan kasbaday qalbigiisa ee uu qalbigiisu u noqday sida khaadimka.

Waa maxay masiibada ka weyn Boqor ka soo degay mulkigiisi oo mid ka mid ah dadkii uu Boqorka u ahaa u noqday maxbuus qofkaas oo uu ka qaadanayo wuxuu amro, hadii aad arki lahayd waxad ogaan lahayn qof u gacan galay waxa uu jecel yahay, Gabay Arabi ah ayaa ahaa Shin Bir ilma yar Gacanta ugu jirtaa waxay isku daydaa in ay duusho.

Hadaa arki lahayd hurdadiisa iyo raaxadiisa waxaad ogaan lahayd in jecelka iyo riyadu ay ku balameen in aanay kulmayn, Hadaa arki lahayn ilmada ka burqanaysa indhihiisa waxaad odhan lahayd..Dhibicdu waxay ka dhalataa biyo iyo dhab meel kaliya ku kulmay, hadii aad arki lahayd dariiqa jaceylka ee qalbiga iyo qalqoloocnaantiisa waxaad ogaan lahayd in Jisidka uga fududahay Arwaaxda.
Hadaba miyay kula tahay qofka caqliga lihi naftiisa in uu u gacan geliyo qof ku dhex tuuraya cadaab qadhaadh oo isaga iyo waligiisa xaqa ugu leh in uu xidhiidhiyo ee aanu kana maarmayn lama huraana ay tahay in uu kaga gudbo wax wax qariya ka ugu weyn.

Qofkan la jecel yahay waxa uu u yahay cadow qofka jecel waxana u yahay adoon dulaysan, waxa ka mid ah dhibaatooyinka caashaqa dulmiga marka mawduucan laga hadalyo mararka qaarkood waxa dhaca dulmi weyn oo ku dhaca qofka wax jecel ehelkiisa iyo meelkiisa isagoo isku dayaya si uu u soo bandhigo u jeedadiisa una qaybiyo maalkiisa cid rumaysata iyo cid beenisaba, inta badan dadku way rumaystaan ugu dhowaansho xaga malaha waayo hadii la yidhaa hebel waxa uu sameeyay sidaa waxa rumaysanaya 99% 1% wuu beensanayaa

Sababaha Keena Caashaqa

Waxa aynu mawducyadii hore aynu ku soo cadaynay khatarta uu leehay caashaqu iyo dhibaatada balaadhan uu leeyahay hadaba inta aynan gelin waajib nimada tooban keenkiisa iyo waxyaabah loo adeegsado xooga waxa aynu ku hakan doona sababaha keena caashaqa iyo dariiqooyinka uu soo maro waayo caashaqu waa wax kora oo saamayn ku yeesha marka uu helo waxyaabihii uu ku korayay, halkan waxa jira sababo caashaqa u sameeya raadeen waana kuba suuqa u sameeyaba.

1. Waa qofka uu ka jeesta illaahay (SW), illaahay (SW) waa u gargaara qofka xusuusta illaahay ku jirto qof jecelka illaahay ku jiro qalbigiisana indhihiisa la raaci maayo aduunyad.
2. Qofka oo jaahil ka noqda dhibaatada caashaqa, runtii way soo maraysaa in ka mid ah dhibaatooyinkiisa laakiin qofka aan garanin ama shakiba uu ka galo dhibaatadu way ku sii kordhaysaa.
3. Qalbiga Faruqa ah, waxa uu yidhi Ibnu Qayam:- Caashaqu waa muuqal lagu ibtileeyo qalbi ka madhan jecelka illaahay (SW) qalbiga marka uu ka buuxo jecel ka illaahay iyo la kulankiisu, taas ayaana ilow siinaysa muuqalka caashaqa.
4. Warbaahinta, Warbaahintu hadii ay tahay mid la maqlo ama la arko sida tv yadaha ama la akhristo, warbaahintu awood badan ayay u leedahay in uu samaymo wax uu qofku ku ganco ama lagu kasbado afkaartiisa waxana ay raad weyn ku yeealata in ay dadka u hogaamiso naar hadii ay leexsanaato, saxafadu kaalin mug ayay ka qaadataa soo bandhigida sawirada la yaabka leh ee lagu fidnoobo marka ay halacsadaan dadka faaruqa ihi ay sii raad raacan wararkooga iyo sheekooyinkooga sida buugagta ka sheekeya jinsiga ee galiya dadka mugdiga, diwaana gabayada iyo heesaha aadka ugu xeel dheerada sheekooyinka khiyaaliga ah, sida buugagta iyo maqalada lagu baahiyo lagana sheekeyo dadka ehlu caashaqa ah iyo taariikh-yadooda si xisoodka iyo dadnimada ka baxsan, tusaale ahaan sida tv yada oo ah turjumaan ka hadlaya hawlo qisas iyo riwaayad iyo sheekooyin ah.
5. ku dayashada indha la?aanta ah, dadka waxa ka mid ah kuwa akhriya qisooyinka jecelka iyo wararkooga ama dagaysta heeso soo koobaya jecelka iyo humaagiisa ee ay ku hadreen, gabi dhaca ehlu caashaqu, waxa laga yaaba waxa ay ka sheekaynayaan heesani in uu ka eego hareerihiisa qalbigiisana ku sawirto wax la mid ah waayo sawirka suugantu waxa uu muuqal la yaab leh kaga tagaa qalbiga daciifka ah, sidii Mamuun yidhi caashaqu waa kaftan iyo widh widh mar kasta oo kordhana waxa uu siyaadiyaa damac.
6. Sida xun ee loo fahansan yahay caashaqa iyo jecelka ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena dhibaatada caashaqa sida dadka u fahansan qofka aan waxba caashaqin in uu yahay qof indho la, sid kuwa yidhaahda oo kale qofka aan waxba caashaqin ama aan garan caashaqu waxa uu yahay waxa uu la mid yahay dhagax dixeedka, gabadh carabi ah ayaa ahaa Hadii aan wax caashaqin ama aanad garan hawadaadu waxay tahay waxaad tahay dhagax dixeed.

Marka lagu soo koobo jecelka iyo caashaqa heer aan waxba dhaafsiisanayn jeclaansiga muuqalka xaaranta ah iyo xadgubka ah, fahanka jecelkuna wuu ka balaadhan yahay intaa muuqaalkiisuna wuu ka dhamays tiran yahay, caashaqa muuqalka xaaranta ah waa heerka ugu cidhiidhsan marka la barbar dhigo jecelka waana ka ugu dhibaatada badan, dadka noocan ihi waxay ka war la yihiin in caashaqu yahay dhibic ka mid ah bada jecelka oo uu ka maqan yahay jecelka Walidiinta, Jecelka Aw laada, Jecelka Masakiinta, Jecelka Gabadhaada iyo Jecelka iyo Fadliga uu leeyahay.

Hadaba sareenta jecelka, wey badan yihiin waxyaabo badan oo mudan in la jeclaado oo ah dhaqamo iyo akhlaaqo sida Geesinimada, Deeqsinimada iyo Run sheega, waxa ka maqan kuwa caashaqa waxyaaba dhadhanka u leh caqliga, waxyaabah dhadhanka u leh caqliga waxa ka mid ah Cilmiga, sidaa darteed dadka ehlu cilmiga ihi waxay ka helaan cilmiga dhadhan aad u macaan oo la soo koobi Karin xadiga uu leeyahay tilmaantiisu.

Waxa uu yidhi:-Imaamul Shaafici illaahay ha u naxariistee intaan daawan lahaa fanaanad heesaysa iiga fiican aniga oo cilmigayga akhrista, Inteenu daawan lahayn gabadh heesaysa iyo defka ay tumanaysay miyayna ka gurux-badnayn adiga oo daalacda sadarada cilmiga ee ku qoran kitaabada, waan diiday in aan ku soo jeedo laqwi iyo wax aan I anfacayn waxana k doorbiday hurdo aan wax dhib ah geysanayn.

Dadkan jecelka sida khaldan u fahansan waxa ka maqan oo ayna ogayn in cida xaq ugu leh in ay jeclaato mudana in la jeclaado uguna sharafta badan uguna anfaca badan in uu yahay illaahay (SW) abuurtay ee arsaaqay ee koobka u sikhiray ee qofka wanaag la yimaada wanaag ku abaal marinaya Illaahay (SW) ayaa mudan in cid kasta laga jeclaado.

Jecelka Faa?iidada lihi waa sadex nooc

1. Jecelka Illaahay (SW)
2. Jecelka Illaahay Dartii la isku jeclaado
3. Jecelka wixii aad u gargaarsanayso illaahay (SW) adeecidiisa iyo ka aad kaga fogaanayso xumaanta.

Jecelka Nooco ugu dhibaatada badani waa sadex nooc

1. Cid aan illaahay (SW) ahayn oo aad jeclaato
2. Wax illaahay ka cadhoonayo oo aad jeclaato
3. Adigoo jeclaada wax kaa yaraynaya jecelka illaahay (SW)

Hadaba lixdan nooc ayuu ku wareega jecelka dadku isagoo leh wajiyo kala duwan.

Quwada jecelka qofku marka ay noqoto mid u jeeda dhinac illaahay (SW) ruuxdiisa iyo jisankiis waxa uu noqonayaa mid kalinimada illaahay (SW) qira, wax kasta oo jecel ah oo ku jira qalbigiisuna waxay noqonayaa illaahay dartii, intaa wixii ka soo hadhay waxa la yidhaahdaa caashaq adoonkana uma laha wax faa?iido leh.

Qofku waxa uu nicmo helayaa uu nolosha ku xasilayaa marka uu illaahay iyo rasuulkiisa ka jeclaado waxa kale oo dhan.

Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:- Qofka sadex isku arka waxa uu helay macaankii iimaanka 1. In uu illaahay iyo rasuulkiisa ka jeclado waxa kale oo dhan, 2. In uu qofku jeclaado waxa uu illaahay iyo rasuulkiisu jecal yihiin, 3. In uu qofku karho in uu ku noqdo gaalnimo sida uu u karho in dab lagu dhex tuuro.

La soco

One Response

  1. waan akhritay waan ka faiida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: