• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Waxaa manta lagu dhaariyay xarunta madaxxtooyada


waaxaa manta sarkaalnimo loo dalacsiiyay todobo sarkaal oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxaana halkaas ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif sh axmed oo  dardaaran u soo jeediyay saraakiishan cusub.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Dowladda Uganda oo saraakiiishaan tababarka siisay, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay saraakiishaan in ay u istaagaan wax ka qabashada Xaaladda adag ee dalku ku jiro.

“Waxaa laga yaabaa inaadan helina tasiilaadkii aad ku soo aragteen Ugaandha hadana waxaa waajib idinku ah in aad ku shaqeysaan xaalad kasta oo idinla soo gudboonaata”, ayuu yiri Madaxwewynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed.

“Muhiimadda ugu weyn ee saraakiisha waa in uu fursad abuuri karo waqti walba waxaa waajib idin saaran ah inaad u guntataan xallinta dhibaatada amaan darro ee ka jirta Dalka”, ayuu kula dardaarmay Madaxweynuhu Saraakiishi maanta loo dhaariyay xilkooda

waaxaa manta sarkaalnimo loo dalacsiiyay todobo sarkaal oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxaana halkaas ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif sh axmed oo  dardaaran u soo jeediyay saraakiishan cusub.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Dowladda Uganda oo saraakiiishaan tababarka siisay, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay saraakiishaan in ay u istaagaan wax ka qabashada Xaaladda adag ee dalku ku jiro.

“Waxaa laga yaabaa inaadan helina tasiilaadkii aad ku soo aragteen Ugaandha hadana waxaa waajib idinku ah in aad ku shaqeysaan xaalad kasta oo idinla soo gudboonaata”, ayuu yiri Madaxwewynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed.

“Muhiimadda ugu weyn ee saraakiisha waa in uu fursad abuuri karo waqti walba waxaa waajib idin saaran ah inaad u guntataan xallinta dhibaatada amaan darro ee ka jirta Dalka”, ayuu kula dardaarmay Madaxweynuhu Saraakiishi maanta loo dhaariyay xilkooda.

Dhinaca kale sarkal ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan qaybta Ugaanda ayaa munaasabadaas hadal ka jeediyay isgoo sharaxaad ka bixiyay tababarkii la soo siiyay saraakiishan, wuxuu sheegay in Dowladda Uganda ay diyaar u tahay taageero nabadeed oo ay siiso Soomaaliya oo ay ka mid tahay tababarida Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in xiliyadi ay joogeen ay soo barteen qaybaha kala duwan ee ay bartaan ciidamado , shahaadadii ay lahaayeena waxa uu sheegay in la soo marsiin doono Safaaradda Soomaliya ay ku leedaha ugandha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu rajaynayo in saraakiishaan iyo kuwa kale ee Ciidamada Soomaaliyeedba ay wax badan ka bedelidoonaan dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya waxaana sidoo kale goob jog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta soomaaliya u jooga ee AMISOM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: