• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Codka mucaashaqiinta


hearts3.jpg (4316 bytes)(Heestii markaan da’da jiray 15) Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifayhttp://www.youtube.com/watch?v=Ku1E8JKuMPs
Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka XASAN AADAN SAMATAR ee MARKAN DA’DA JIRAY 15, Heestaas waxaa alifay ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOW isaga ayayna qisada ay xambaarsan tahay khuseysaa, wuxuuna alifay isagoo Askari Guul-wade ah oo ka mid ah madaxda Kooxda Fannaaniinta (Halgan).

Abwaanka oo la shaqeynayay xilligaa Ciidamadii anshaxa iyo dhaqan celinta ee la oran jiray BOLICIO BON CASTUMO ayaa waxay gabar ay ciidamadu soo qabteen oo Xeradaa lagu soo xareeyay oo run ahaantii gabar dabeecad, qurux & asluub wanaag la soo banbaxday noqotay ayuu Abwaanku ka helay oo Jacayl u qaaday, isagoo xilligaa uu ka soo fashilmay Jacayl hore ayuu middan isku leymeeyay, wuxuuna u alifay Heestan:-

=Markaan da’da jiray shan & toban, markaan damac guur la soo kacay, dookheyga markaan u sahan tagay.

=Nafteyda midaan u door bido, da’deyda anigoon ka garanayn, hablaha ka daydayo midaan iri.

=Dabeecadaheeda gaar iyo, bal aan dul ahaan tilmaamee, dhulkoo dambarsame ku hooroo, dunida maasheeyay waa gu’ee.

=Midabka biyo dahab Sidoodii, ishaan deymada ka bogannoo, jeedaalada waw dawiyo nabadee.

=Caashaqan muddo badan, I daashaday, riyada taan doonisteedii, hurdada deris kula ahaan jiray, dabeyshiyo dhaxanta deyreed, dugsiga tii iiga noqon lahayd. armay dar allee, adiga tahayee, armey dar allee adiga tahayee, tahayee

=Dooddiyo kulankii barashada, deex iyo hadalkii macaanaa, Dawoy samirkiyo dulqaadkii, imaankiyo daacaddaadii, dubaaqeyga kaa jeclaystee.

=Nafteyda middii ay ku degi lahayd…armay dar allee adiga tahayee…..

W/Diyaariyey: M.A.W

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: