• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Jacayl dhiig malagu qoray Heeso qoral ah part4


hadaba akhristow heestaani intaad akhrisato sifiican u dhuux
miraheeda iyo ujeedkeeda si fiican bal uga fiirso kadibna
ereyada macaanka badan oo ay ku dheehanyihiin jaceyl
(hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed…) jaceylka dhabta ah waa kan
lamaanaha isdoorteyay isku dhiibteen nolosha macaaaaankeeda bal si fiican u dhuux fanaanadii caanka aheyd ee magool (ilaahey ha u naxariistee)

Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Maw dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhadhan siiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed
jacayl dhaawiciisii
qofna wali dhibtiisii
dhaayaha ma beeloo
dhaguhuna ma awdmeen
dhaxan suu u tagnaa
maka daatay dheehii
dadku mayska dhaafeen
dhaqax maw maleeyeen
wali dheymadiisiyo
dhakhtar lagu daweeyaa
dhulka ay ku taaliyo
halka ay ka dhawdahay
kun habeen maw dhaxay
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed
diyaariye qalbiwaxjaceyl

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: