• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Waydiimaha akhristayaasha


بسم الله الرحمن الرحيم     

Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidh:- “Waydiiya kuwa aqoonta leh (culimada)haddaydaan wax garanaynin Qayb ka mid ah aayadda 43aad ee Suuradda Al-Naxli iyo qayb ka mid ah aayadda 7aad ee Suuradda Al-Anbiyaa

Qaybtan Fatwooyinku waxay ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah qayb uu qofku su’aal diini ah noo soo waydiin karo, si ay culimada aqoonta u lihi uga soo jawaabaan, taasoo uu qofku nagala soo xidhiidhi karo E-mailka ah:- fatwa2010@live.com

Markaa qofkii doonaya ama u baahan in loo Fatwoodo arrin diini ah hana soo waydiiyo si aanu culimada aqoonta u leh jawaabta uga soo qaadno. Fatwooyinkaasna waxaan u soo qori doonaa kolba sida ay noogu kala horeeyaan, labadii wiig ama bishiiba kolba sida ay baahidu tahay, markaas oo aanu kolba cusboonaysiin doonno, haddii Eebbe idmana bogga ayaanu ku soo qori doona, in magaca qofka aanu soo qornana waxay ku xidhnaan doontaa oggolaanshaha qofka, iyadoo marka dambena aannu buug iskugu ururin doonno haddii Eebbe Idmo.Markaa akhristow su’aalahaaga ayaannu sugaynaa.

Qaybta kalana waxaan kuu soo qaadi doonaa kutubta ka hadlaysa Fatwooyinka diiniga ah kolba intii Eebbaha awoodda lihi inoo oggolaado, kutubtaasna waxaa ka mid ah:-

Su’aalaha dadku na soo waydiiyaan

Haddii Eebbe Idmo waxaanu kolba halkan ku soo qaadi doonaa su’aalaha faraha  badan ee nooga yimaadda akhristayaashayada, waxaana ku bilaani doonaa su’aal uu akhriste E-mail noo soo diray na soo waydiiyay, waana tan su’aashii iyo jawaabtiiba:-

Su’aal

1-Walaal waxaan ahay wiil muslin ah walaal waxaa igu dhacay Accedent waxa markaa  i qaloocatay  lafta dhabarka halka ugu danbaysa markaa walaal waxaa aad iigu adag inaan kantrolo naqaska  ama dhuusada markasta oo aan Salaad u soo waysaysto way iga jabaysaa markaa maxaa talo ah ee aan yeelaa .Wa-Bilaahi-Ttawfiiq

Jawaab

Assalaamu Caleykum Warax-matullaahi Wabarakaatuhu.

Qofka buka een ceshan karin kaadida,saxarada,neefta intuu tukanayo wixii ka yimaada oo neefa ama kaadi ama saxaro ahi Salaadda kama burinayaan, markuu shuruudahan sameeyo:

1-Waa inuu waysaysto markuu waqtigu galo kadib, ka horse lama ogolo.

2-Waa inuu waysada xidhiidhiyo, taasoo ah markuu wajiga dhaqo intuusan ingagin inuu gacmaha dhaqo intaynan ingagina waa inuu madaxa masoxo waana inuu sidaas kuwado.

3-Markuu waysaysto inuu markaaba Salaada galo,laga bilaabo markuu waysaysto ilaa saalada uu ka baxayo waxii ka yimaada oo xanuunkaas haya ah sida neef dabada ka timid oo kale waysadii ma burinayso Salaada wuu iska wadan.

4-Waysada noocaas ah wuxuu ku tukan karaa oo kaliya  hal Salaad oo faral ah, laba Salaadood oo faral ah kuma tukan karo. Sunnahase intuu doono ayuu ku tukan karaa.

waxaa u daliila Quraanka Kariimka ah Aayada-78 ee Suuratul Xaj , Aayadaas oo macnaheedu yahay:-“Ilaah ma yeelin wax dhibaata ah dushiina diinta dhaxdeeda“.

Wallaahu Aclam.

Waxaa ka jawaabay Ilaahay ha ka Ajar siiyo e Sh. Mohamed Ali Guhad       ( Minhaj)

2-Su’aal

as cl wr wtu yaa iqawaani!!!!!!!!!

marka hore ilaahy qeyr ha idin siiyo shaqada aad heysaan, aan u soo laabto su’aasheyda waxaa dhib badan iga heysta iska suulinta kaadida oo aan waqti badan ku lumiyo waxaan ka garan
la’ahay arintaan inay was waas ama wax kale tahay , waxaa dhacda inaan musqusha waqti badan ku dhumiyo taasoo dhibaato ama dib u dhac u keenta howlahayga intaas waa hordhaca, hadii aan hoos u daadego markaan musqusha ka soo baxo anigoo waqti dheer ku lumiyey oo aan weysa
qaato amaba salaad u taaganahay ayaan dareemaa qoyaan xusuusnoow qoyaankaas ma aha madi ama jahwo dhareer leh markaan fiiriyo waa qoyaan kaadi ah, waqti badan ayaan arintaan ku jiray waxaan ka shakiyey inuu infection jiro dhaqaatiir badan ayaan la xiriiray baaris ahaan waxay isku raaceen inaan wax infection ah qabin, walaalayaal waxaan mar mar badan ka wal walaa
inaan la aqbalin salaadeyda aayadoo ay arintaan jirto maxaan ka yeelaa ama aad igu nasteexayn lahaydeen, waxaan kaloo rabay inaan ogaado mudada ay kaadida raga socon karto anigoo og in lakala duwanaan karo ilaahay dhibkaan ha iga qaadee adinkana ii so duceeya. maxaad igu nasteexayn lahaydeen.

jizaaka laah qeyr waa walaalkiin cabdulaahi aad ku
walaalowdeen diinta islaamka ee sharafta iyo cisada
badan.

nabad geliyo walaalayaal.

2-Jawaab

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,


Walaal,
Marka hore Ilaahay korree oo nasahnaaye ayaa mahad iska leh ,naxariis iyo nabadgalyo Eebbena Nabigeenni korkiisa ha ahaato, intaa kaddib.
Sida warqaddaada ku cad xanuun ku hayaa ma jirto sida aad sheegtay, oo dhakhaatiirtii wax infection ah kuma hayo, dhibaatona way kaa haysataa sida aad sheegtay waxan aad kaadida u malaynayso, markaa walaal isku day inaad waqtiga Salaadda ka hor inaad in muddo ah horteed aad iska daahiriso, si marka aad Salaadda galayso ay waqti badan u dhaxayso intaad musqusha gashay, waxaanan u badinaynaa inuu waswaas yahay waxan ku haya, kollayna waqti ama muddo ay ragga ka socoto kaadidu oo go’ani ma jirto, markaa si uu waswaasku kaaga yaraado markaad Istijooto biyo waxogay ah ku daadi buuryada hareeraheeda si aad isku tidhahhdo marka aad Salaadda gasho haddii aad wax dareento waa biyihii. Xakam Binu Sufyaan waxaa laga wariyay inuu yidhi:-“Waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo kortagay oo biyo badan ku Istijooday”, Ina Cumarna Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e marka uu kortago biyo badan ayuu ku Istijoon jirin iyo hoostiisa oo dhan qoynaya taasoo keeni jirtay in surwaalkiisu qoyo.
Markaa walaal waxaanu kugula talinaynaa waa dhibaato rag badan haysata e haddii aad xanuun iska dareemayso dhakhtarada iska dawee haddii aanu xanuun ahaynna waa waswaas e markaad iska qallajiso kaadida biyo badan hoostaada oo dhan ku qoy si uu waswaasku kaaga baxo, waana Shaydaan waxa kuu sheekaynayana e dheg ha u dhigin.
Wabillaahi Attawfiiq
Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

3-Su’aal

SALAANTA ISLAAMKA EE QIIMAHA BADAN KUNA XUSAN CINWAANKA KORE KADIB WALAALAYAAL  MAR LABAAD AYAAN IDINKAGA MAHAD CELINAA DADAALKIINA ILAAHAY AJAR HA IDINKA SIIYO ADUUNYO IYO AAQIRO, INTAAS KADIB KADIB WAXAAN ILAAHAY NOOGA RAJEYNAA DHAMAANTEEN CAAFIMAAD CIMRI DHEER IYO CIBAADO SUUBAN INTAAS AAN UGA GUDBO HORDHACA DHANBAALKAAN.

HADII AAN HOOS U DAADEGO WAXAAN QABAA LABO SU’AAL OO KALA AH SIDAN:-

1-  MAADAAMA  XIRIIRINTA RIXIMKA AY TAHAY WAAJIB HADANA QOF AAN XIRIIRKAADA KALA JECLAYN ILAYN BINI’AADAM AYAAD TAHAY OO ADIGA KALIYA XIRIIRINEYSID HADUU UU KA SOO ROONAAN WAAYO  AADNA  JOOJISO XIRIIRKA MA DEMBI AYAAD KU LEEDAHAY. TEEDA KALE QALBIGAADA AYAABA DIIDAAYO QOF AAN XIISO U QABIN XIRIIRKAADA INAAD ISKU DHEJISO. XAQA ALAH NA WAAFUJIYEE WALAALAYAAL MAS’ALADAAN JAWAAB IIGA SIIYA.

2- SU’AASHEYDA LABAAD AYAA WAXAY TAHAY IN LA XIIRO TIMAHA KIL KILAHA IYO TIMAHA HOOSE IYO IN LA GAABIYO SHAARIBAHA WAAN OGAHAY WAXAAN RABAA IN LAGA IGA JAAHIL BIXIYO HADII AAD MASHIIN KU XIIRATO TINTII WAXAA KU DEMBEEYA WAX YAR OO AAN LA DAREEMAYNIN OO QODKO YAR YAR  AH SIDEE LAGA  YEELA ARINTAAS TEEDA KALE  SAKIINTA WAA DHIB BADAN TAHAY WAXAANA KA QAADAABA XASAASIYA OO FINIINIC AYEY IGA SOO SAARTAA. WAXAA INTAAS I DHEER DAAWADA TIMAHA LAGU JARO MA BANAAN TAHAY. WAXAA LOO YAQAAN HAIR REMOVE.

JIZAAKA LAAH QEYRAN

3-Jawaab

ASCWW
Walaal marka hore waxaanu kugu salaannay salaanta Islaamka ee kore, salaantaas kaddib walaal haddii aannu kaaga jawaabo labadaas su’aalood ee aad na soo waydiisay,anagoo marka hore ku bilaabayna magaca Eebbe korree oo nasahnaaye,waxay noqonayaan:-
1-Tan qaraabada xidhiidhinteeda iyo in adigu aad xidhiidhiso qaraabadaada iyaguna aanay ku xidhiidhin, ha ka daalin adigu inkastoo nafta banii’aadamku ay waxa muuqda jeceshahay, markastana niyada ku hay Xadiiskii Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi nin u yimid oo u sheegay in qaraabadiisa uu xidhiidhiyo iyaguna gooyaan,uu wanaajiyo oo ay iyaguna xumeeyaan, u dulqaato iyaguna u gefaan. Markaasuu ku yidhi:-“Haddii ay jirto sida aad sheegayso,waxay ka dhigan tahay adigoo raran siinaya oo kale, inta aad sidaa tahayna Ilaahay ayaa mar walba kuu hiilinaya(kuuna gargaari oo kaa ilaalin dhibtooda)” Muslim baa wariyay.
Sidoo kalena niyada ku hayso Xadiiskii kale ee Rasuulkeenna ku yidhi:-“ Qofkii jecel in Arsaaqadda loo fidiyo iyo in cimrigiisa loo dheereeyo ha xidhiidhiyo qaraabadiisa” Bukhaari iyo Muslin baa wariyay
2-Tan kale ee ah timiaha hoosta iyo kuwa kililooyinka Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxa uu ku tilmaamay waxyaalaha Fidradaha (Diinta toosan) ka mid ah xiiritaanka timaha meelahaas ku yaala amaba gaabintooda amaba rifidooda qofkii kara, sababtuna waa iyadoo Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu nadaafadda umaddiisa ka shaqaynayo, tan ah ma marin karaa dawo timaha goysa, kollay wixii aan dhibaato nafta iyo jidhka aan u lahayn waa la isticmaali karaa inkastoo aan xiiritaanka amaba gaagaabinta waayo kiriimadu waxyaalaha ay ka samaysan yihiin baa mararka qaarkood shakiba galaa markaa haddii aad xiiritaanka xasaasiyad ka qabto gaagaabinta aad maqas ku gaagaabiso ayaa kuu bannaan.
Ilaahay baana xaqa og.      Wassaalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

One Response

  1. Ascw
    mahad allah scw ayay u sugnatay walalyaal allah ha idinka ajar siyo hawsha aad xilka iska saarteen hadan ugudbo su’aashayda
    walalayaal mudo badan ayaan ku jaah warersana arin nagu dhacday aniga iyo xaaskayga waxaa nagu dhacday habeen anaga isu galmonayna ayaa si kama ah geedkaygu ugu gudbay duburka gabadhayda walaw aanu galin balse ay markay darentay iga qabatay arintaas maxay diintu ka qabtaa wada nolanshahaygu ma saxbaa mise waan iska kala faataxaysana jazaa ka lahu ?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: