• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

MAQAAL DIINI AH OO KA WARAMAYA “ADUUNKA AMA KOWNKA”


Adduunka ama Kownka

Adduunka ama Kownku waa  mid ka mid ah Makhluuqaadka ama waxyaalaha Alle subxaana wataacaalaa abuuray.

Adduunku waa Daar ama Hooy leh waqti xaddidan oo Allihii abuuray ugu talagalay ujeeddo iyo sababo go’an,Aduunku waa kelmed carabi ah oo macneheedu yahay tii dhoweyd yacni ma aha meel lagu waarayo,Aduunkan Alle wuxu ku diyaariyey muddo gaaban oo ah 6 maalmood iyadoo wax daal iyo dhibi aanay jirin:

??? ????? : ( ???? ????? ??????? ?????? ??? ?????? ?? ??? ???? ??? ????? ?? ????(

Aayadda macneheedu waa Allaa yidhi xaqiiqadii waxanu ku abuurnay samooyinka iyo dhulka lix maalmood iyado aanay wax daali nala kulmin oo na taaban.

Alle isagaa korreeya’e wax kasta markuu abuuray ayuu ku hadeeyey oo baray sida iyo dariiqada ay u noolaanayaan ama u jirayaan iyo hawlahay gudanayaan:

????? ???????? ??????? ??????? ????? ?????? ???????? ????? ?????  (??)

Alle subxaana watacaalee wuxu cirka ama samooyinka taagey iyadoo aan wax tiirar ah aanay haynin waa awoodda illaahaye:

???? ???? ??? ???????? ???? ??? ?????? ?? ????? ??? ????? ???? ????? ?????? ?? ???? ???? ???? ???? ????? ???? ?????? ????? ????? ???? ??????…. ???? ?? ???? ?????

Aayadda macneheedu waxa weeye Alle waa kii kor yeelay samooyinka tiir la’aan,dabadeedna carshiga ku ekaaday oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa,midkasti ajal go’an buu ku socdaa,Alle isagaa arrimaha kala debberaya oo Aayadaha fasilaya oo kala dhigdhigaya waxa la arkaa inaad yaqiinsataan kulanka rabbigiine(yacni inaad la kulmi doontaan Alle)

Alle subxaana watacaalee wuxu dhulka ku rakibay buuro miisaamaya oo ay dariiqyo iyo waddooyin ka baxaan cirkuna yahay saqaf oo kale oo ka sarreeya Allena sidaa u ilaalinayo oon soo dhacayn:

?????? ?? ????? ????? ?? ???? ??? ?????? ???? ????? ????? ????? ?????? ?????? ?????? ???? ??????…???? ?? ????????

Aayad macneheedu:Waxanu dhulka ku samaynay buuro si ay u sugaan oo u miisaamaan waxanuna u yeellay meelo bannaan iyo waddooyin waxa la arkaa inay ku hanuunaan oo hadoobaan oonay lumin waxanuna ka dhignay samada saqaf ilaashan oo xafidan.

Dhismahaa Adduunyada

Dheehoo bal daymoo

Dhinac kasta ka bogo’oo

Dhaygag iyo la yaabiyo

Dhamaad aanad gaadheyn

Dhismahaa adduunyadu
Dhayal iyo ma uu aha
Dheeldheel ciyaareed
Dhidib li’i cirkaa jira
Dhulka gogasha laga dhigay
Lagu dhaabay buuraha
Dhinacyadana badihiyo
Webiyadu  dhabbaysteen
Dheeldheel ciyaariyo
Dhayal looma keenine
Miyaanadba dhaadayn oo
Meesha soo dhigan
In maalintay dhanaan tahay
Cadceeduna ay dhowdahay
Dhibtu ay kadkadan tahay

Dhitadu inay abaal tahay
Waxad idinku dhigateen
Dhab ahaan u helaysaan

Dhigaalkiyo cibaadada

Dhibici aanay dhuldhacayn

Dhamayskeeda aad heli

Dhab u raac hanuunkoo

Hooy  Cabsida dhaqangelin

Alle subxaana watacaalaa wuxu Malaa’igta u sheegay inuu Abuuri doono oo u samayn doono dhulka khaliifad ama cid maamusha oo hogaanka u qabata deed Malaa’igtii waxay yidhaahdeen ma waxad u samaynaysaa cid fasaadisa oo dhiig ku daadisa,annaguna waannu kuu tasbiixsanaynnaa oo ku weyneynaynnaa.Alle wuxu ku yidhi Malaa’igtii waxan ogahay waxaydinaan ogayn,dabadeed waxa uu Illaahay Aadan baray magacyadoo dhan,ka dib ayuu Alle waydiiyey Malaa’igta magacyadii waxay yidhaahdeen Allow adaa nasahane ma naqaanno waxaad na bartay mooyaane adiga ayaa cilmi badan oo xakiim ah,markaas ayaa Alle Aadan ku yidhi u sheeg magacyada,markuu u sheegay Aadan magacyadii,ayaa Alle yidhi miyaanan idinku odhan waxan ogahay waxa qaybka ah ee qarsoon ee samooyinka iyo arladaba iyo waxad muujinaysaan iyo waxad qarinaysaanba:

???? ?? ???? ??????
markaas ayaa Illaahay ka dalbay Malaa’igta inay u sujuudaan Aadan Malaa’igtii oo dhami way u sujuudday Ibliis mooyaane wuu isweyniisiiyey oo is kibriyey oo kuwa gaaloobay noqday,waxa Alle waydiiyey maxaa kaa manciyey  oo kuu diiday inaad u sujuuddo Aadan haddaan ku amray,wuxu yidhi Ibliis anigaa ka khayr badan oo waxad iga abuurtay Naar isagana waxad ka abuurtay Dhoobo.halkaas baa Ibliis lagu eryey oo la nacladay,markaas ayuu isaguna Alle ka dalbayaa inuu daayo  oo aanu dilin ilaa iyo Qiyaamaha,Allena waa u yeelayaa ilaa waqti Alle ogyahay baa loo ogolaaday,halkaas ayuu ballan ku galay in Bini’aadamkii dartii jannada looga saaray ee dartii loo nacladay inuu dariiq kasta u fadhiisto oo lumiyo oo u qurxiyo denbiga iyo kufriga:

??? ???? ???????  ?????? ??? ????? ???????? ?? ??????? ?? ??? ?????? ??? ????? ??? ??????? ??? ??????? ??? ??? ?????? ??????… ???? ?? ???????

Aayadda:wuxu yidhi sababta ay iigu noqdeen eryidayda darteed haddaanan u fadhiisan jidkaaga iyo dariiqaaga toosan oo waxan kaga iman doonaa xagga hore iyo xagga danbe dhanka midigta iyo dhanka bidixdaba mana heli doontid in intooda badani kuu shukri naqdo.

Alle subxaana watacaalaa wuxu shaydaanka ku yidhi dheerow adiga iyo ciddii ku raacdaba Jahanama ayaan ka buuxin doonaa.

Aadan iyo Xaawo Jannada ayaa Illaahay dejiyey waxana lagu yidhi cuna wax kastoo jannada yaalla bes ha u dhowaanina geedkaas oo qudha:

????? ????? ???? ??? ????? ????? ???? ???? ???? ??? ????? ??? ????? ??? ?????? ?????? ?? ????????….???? ?? ???? ??????

Waxana Illaahay uga digay oo digniin ka siiyey Shaydaanka oo yidhi iska ilaaliya cadaw buu idin yahaye yuu jannada idinka saarin oo yaydinaan deed dhibaato mudane

?? ??? ?? ??? ??? ?? ?????? ??? ???????? ?? ????? ????? …???? ?? ???? ??

Waxa Shaydaanka oo ballan qaaday inuu Insaanka lumin doono bilaabay inuu Aadan iyo Xaawo khalkhal iyo dareengelin ku sameeyo,wuxu ku yidhi:ma idin tusaa geedka haddaad cuntaan aad waaraysaan weligiin oo barwaaqo iyo mulki aan dhamaad lahayn helaysaan!,markuu ku qanciyey ee waswaas ku ridey ayay dhadhamiyeen geedkii;markaas ayaa cawrooyinkoodii isu muuqdeen,dabadeed si degdeg ah ayay caleemihii Jannada Cawrooyinkoodii ugu astureen,Aadan rabbigiis wuu caasiyey oo amarkii la siiyey buu jebiyey oo denbi galay.

????? ???? ??????? ??? ?? ??? ?? ???? ??? ???? ????? ???? ?? ???? ? ????? ???? ???? ???? ???????? ????? ?????? ?????? ?? ??? ????? ???? ??? ??? ????…?? ???? ??

Illaahay ayaa ku odhanaya Aadan iyo Xaawo miyaanan Geedkaa idinka reebin oo idin odhan Shaydaanku cadaw dhab ah ayuu idiin yahay:

???????? ????? ??? ??????? ?? ???? ?????? ???? ???? ?? ??????? ???? ??? ????…. ???? ?? ???? ??

Waxay Aadan iyo Xaawo yidhaahdeen Rabbiyow naftayada waanu dulminnay haddii aanad noo denbi dhaafin khasaare ayaanu ku dhacaynaa oo kuwo khasaaray baanu noqonaynaa:

???? ???? ????? ?????? ??? ?? ???? ??? ??????? ?????? ?? ????????…. ???? ?? ???? ??

Alle subxaana watacaalee wuu u denbi dhaafay waa naxariis badane’e kolkaas baa Aadan iyo Xaawo Jannadii inta laga soo saaray la dejiyey Dhulka oo la yidhi waxa badhba badhka kale u ahaan doonaa cadaw oo waxad ku sugnaan doontaan muddo go’an,dhulkan waa laydinka abuuray waadna ku dhiman doontaan waana laydinka soo saari doonaa.

??? ?????? ????? ???? ??? ???? ?? ????? ????? ????? ??? ??? ??? ???? ????? ????? ?????? ????? ??????.. ???? ?? ???? ???????

Halkaas ayay ka bilaabantay cadaawadda iyo dagaalka ay ku wada jiraan Insaanka iyo Shaydaanku in badanna Illahay waa inoo caddeeyey inaynu ka digtoonaanno Shaydaanka oo iska ilaalino si aanu inoo fidmayn siduu Aabbayaasheen Jannada uga soo saaray,waxana Alle inoo sheegay in Shaydaanku ina arkayo innaguse aynaan arkayn:

????? ???? ?? ????????? ??????? ??? ???? ?????? ?? ????? ???? ????? ??????? ??????? ???????? ??? ????? ?? ?????? ?? ??? ?? ?????? ??? ????? ???????? ?????? ????? ?? ?????? ) . ???? ???????

Waxaa Aayado badani ina amreen inaynu Shaydaanka si dhab ah cadaw uga dhiganno oo ka taxadirno si aanu inoo dagin oo inoo weydaarin karkaarka cadaabkana ina gelin:

?? ??????? ??? ??? ??????? ???? ???? ????? ???? ??????? ?? ????? ??????…???? ?? ???? ????

Shaydaanku waa cadawgiinna ka yeesha oo ka dhigta cadaw,wuxu idiinku yeedhayaa xisbigiisa si aad Asxaabta Saciira(cadaabta) gelaya uga mid noqotaan.

Waxa Illaahay ka dhigay Adduunka meel ama goob shaqo oo qofba wuxu kasbado uu u helayo abaalgud ama Janno ama Naar:

???? ?????? ???? ????? ???? ??????? ??? ??? ??? ??? ???? ??? ??? ???? ??? ?? ?????? ? ?????? ????? ?????? ??????? ????? ????? ????? ?? ???? ?????? ) ??????

Illaahay wuxuu soo dejinayaa Aadan iyo Xaawo iyo Ibliis Adduunyada degga dhamaantiin kii la yimaadda hanuunkayga waa kii raaca amarkayga iyo wadadayda wax cabsi iyo wax murugo ahna ma arkayo,kuwa gaalooba ee beeneeya Aayadaha Illaahay,kuwaasi waa Asxaabta Naarta oo way ku waari doonaan.

Ma Ogtahay adoonyohow

Aduunkanaad arkaysaa

Ujeedduu u Yaalloo

Allihii abuuraa

U asteeyey sidatane

Amar Eebbe bixiyaa

Ibliis dhega adaygoo

Eryid lagu fogeeyee

Ayaantaasaay Aadmiga

Ibliis is eedsadeenoo

Inuu ambiyo goostoo

Ilaa aminta aakhiro

Waa arrin sugnaadoo

Addoonkii Aflaxaybaa

Ka itaal samaadee

Inta kale Adeegsaye

Inta ay adeecaan

Buu awr u rarayaa

Markay eersadaan berri

Isna wuu inkriyaa

Waa arrin la yaablee

Awoodlow illaahay

Aadamaha dhamaantood

Aragtidood wuu  midayn kari

Oo erey qudha ka dhigi kari

Amar Eebbe weeyoo

Imtixaanno adag baa

Axad kasta hor yaallee

Anbiyadii la soo diray

Isku erey bay ahaayeen

Illaah keliyi inuu jiro

Oo Eebbe laga baqo

Bay wada iftiiminaayeen

Iimaanso waxa jira

Amar Eebbe weeyee

Amin go’ane ajali sugan

Aadmi idil iilka wuu geli

Uumiyuhu dhamaantii

Wuu aroori doonaa

Eebbihii Abuuraa

Xisaabtii astaynoo

Ninkastaba Abaalmarin

Afkaarta iyo Aragtidu

Itaalkiyo Aqoonuhu

Ururradiyo Asxaabuhu

Ikhtilaafka Aragtidu

Amakaagid ma laha’oo

Ashqaraar ma keentee

Allahii Abuuraa

U iftiinshey idilkood

Halkay eersanaayaan

Kii iftiinka raaciyiyo

Kii Ambasho doortaa

Abaalkooda way heli

Ayaantaa dambaysee

Ha ilduufin weligaa.

Aadduunku waa meesha laynaga abuuray ee dhoobadii Aadan laga abuuray taalley,sidoo kale markaynu dhimanno isagaa dib laynoogu celinayaa,ka dib Qiyaamaha dib ayaa laynooga soo saarayaa oo qofkasta xisaabtiisuu la kulmayaa,thou man is dust unto dust thou shall return:

??????? ????????????? ???????? ??????????? ????????? ???????????? ??????? ???????(??).

Isagaanu(Dhulka)idinka abuurnay,isagaannuna idinku celin doonnaa(qabriga) isagaannuna idinka soo saari doonnaa(Qiyaamaha)

Waxa Adduunkani yahay goob lagu jiro imtixaan oo natiijadiisu soo baxayso markuu dhamaado waa Qiyaamaha’e,waxana lagu jirayaa dagaal Shaydaanka lagula jiro oo soconaysa una baahan feejignaan iyo diyaar garaw joogto ah,oo marna aan arrinka la dhayalsan waayo Shaydaanku wuu ballan qaaday inuu lumiyo bini’aadanka waana cadow cad oo Alle inoo sheegay oo yidhi ka dhigta cadow oo yaanu idin luminin oo idiin qurxinin Adduunka oo idiinka dhigin goob lagu gaadho degganaansho iyo waarid,Aduunku waa wax kooban Aakhirose waa meel lagu waarayo oo qofba wuxuu shaqaystay helayo.

Illaahay Jannaynu ka baryaynaa iyo wanaag If iyo Aakhiro Aamiin Aamiin

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: