• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Taariikh Nololeedkii Sh. Maxamed Macallin


aariikh Nololeedkii Sh. Maxamed Macallin


Ilaahay ha u naxariistee Sh. Maxamed Macallin Xasan Wuxuu ku dhashay baadiyaha Buur-Xakaba sanadkii 1934kii, halkaasoo uu ku barbaaray kana bilaabay waxbarashadiisii Quraanka, isagoo halkaasi ka galay malcaamad Quraan, sagaal jir markii uu ahaanna Quraanka ayuu dhammeeyay taasoo kuu caddaynaysa fahmo badnidiisa iyo cilmi jacaylkiisa.Muddo kaddibna wuxuu bilaabay inuu Xerow noqdo oo uu bilaabo inuu cilmi u raadsado meel kasta oo uu ka heli karo , isagoo u kicitimay xagga dhanka magaalada Herer oo uu muddo ka badan labaatan sano ka soo raacanayay culuumta Islaamka.Sida ku qoran qoraalo lagu ururiyay taariikhda Sheekha ayaa sheegaya  in markii uu Sheekhu yaraa ee uu geeriyooday aabbihii Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis. Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu sheekhu raacay abtiyaashiis.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu akhristo Baydhabo. Baydhabo kuma uusan nagaanine Sheekhu  isagoo meel fadhiya oo nin Imaam ah oo tukiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fadhiistay oo ku yidhi:-“kaalay anigaa kuu akhrinaaya oo galbeed baan ku geynayaaye”. Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jigjiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdillaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay,habeen bey la hoydeen isaga iyo dad kale,halkaasoo uu isagu ku hadhay kana bilaabay kitaabkii ugu horreeyey ee Safiinaha kooban ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay, macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Sheekhyadooduba, waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la odhan jiray Xaaji Cali oo ka yimid dhinaca magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan,wuxuuna sidoo kale arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Baraawe.

Ilaahay ha u naxariistee markii uu mudadaa dheer raacanayay cilmiga ayuu u soo wareegay xagga magaalada Hargaysa oo uu in muddo ah ku noolaa, isagoo sida laga soo xigtay halkaa ka furay malcaamad Quraanka loogu dhigo caruurta kaddib markii uu niman ganacsato ah kula heshiiyay inuu ganacsigooda uga shaqeeyo isla markaana uu caruurtooda Quraanka ugu baro si hor Ilaahay ah, maadaama ay mushahar ku siinayaan shaqada ganacsiga, halkaasoo markii uu in muddo ah joogay uu ugu yimid Sh. Shariif oo ka mid ah culimada waawayn ee Soomaalida, kuna dhaliyay fikrad ah inay Masar u cilmi doontaan, Sheekhaas oo kharash uu ku tagay watay ayuu Sh. Maxamed ballan kula galay inuu ka hor tagi doono Masar, sidiibayna noqotay oo in muddo ah markii uu sii joogay ayuu nimankii ganacsatada reer Hargaysa ahaa ka codsaday inay mushaharkiisa iyo wixii kale ee ay ugu dari karaanba ay siiyaan isagoo u sheegay inuu xaggaa iyo Masar ugu cilmi doonanayo,nimankaasina si wanaagsan ayay u ambabixiyeen Sheekha isagoo Masar ku tagay lug siina maray Suudaan, halkaasoo Sheekhii kale oo aan soo gaadhina uu isagu ka hor gaadhay.

Markii uu Masar tagay ayuu Machadka Azhar lagu qiimeeyay waxbarashadiisa, waxaana si shakhsiyan ah uga qaaday imtixaankii Sheekhii As-har waagaasi madaxa ka ahaa oo la odhan Sh. Cabdi-Xaliim Maxamuud, oo markii dambe u noqday la taliyihiisii markii uu diyaarinayay shahaadada PhD-ga, Sheekhaasoo sida la sheegay yidhi:- “Soomaaliyey wax kale odhanmaayo e waxaan cilmigiina odhanaya hadalkii Eebbe ee ahaa “Wuxuu siiyaa Xikmada ciddii uu doono“”,waxaana Sh. Maxamed loo qaatay sanadka ugu dambeeya ee dugsiga sare isagoo sanad kaddibna bilaabay jaamacadda Al-Azhar, kuliyadda Usuusha Diinta qaybta Caqiidada iyo falsafada, qaybtaas oo ka qaatay shahaadada (M.A) Mastrate, isagoo muddo yar kaddibna bilaabay inuu diyaariyo shahaadada Diktorate PhD isagoo intii uu diyaarinayay qoray kitaab la yidhaahdo Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada, hase yeeshee nasiib darro kitaabkaas iyo kuwo kale oo uu Sheekhu qorayba wali lama daabicin oo daabacaad ayay sugayaan. Intii uu Qaahira joogay Sheekhu wuxuu ahaa guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata.SheekhMaxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladdii uu madaxda ka ahaa Jamaal Cabdinaasir.Dabayaaqadii kontomaadkii qarnigii tagay iyo horraanta lixdamaadkii, waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikirka iyo siyaasadda lahaa oo waddankaasi waagaas ka soo shac baxay, xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u soo shaac baxay waagaas, Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormoodka ka ahaa xarakadaas oo u akhriyey kutubadooda, waxaa ka mid ahaa culumadii uu kutubtooda akhriyay Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Cabdiqaadir Cooda iyo kuwo kalaba oo saaxada xarakada ku jiray. Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Sheekhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna sida uu ku sheegay waraysi uu BBC-da siiyay uu ku sheegay inuu aad iyo aad arrintaas uga xumaaday, aadna uu uga naxay.

Bishii Febreury ee sanadkii 1968kii ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu, halkaasoo uu isla sanadkaas dhammaadkiisii bishii September ka bilaabay tafsiirka Quraanka Kariimka ah Masaajidka Sheekh Cabdiqaadir, kaddib markii uu arkay baahida ay dadku u qabaan ku baraarujinta diintooda, taasoo uu waday muddo sanad gaadhaysa.Kaddiba markii milaterigii uu hoggaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre uu la wareegay taladii dalka, isla markaana ay arkeen sida isa soo taraysa ee ku baraaruga Islaamka ee dadku ay u soo badanaysa ayay bilaabeen inay ku cadaadiyaan Sheekha inuu tafsiirka joojiyo, markii uu ka dhego adaygayna waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha diinta, markii arrintii waxba iska beddeli waayeen waxaa loo magacaabay safiir,taasoo uu iyadana ku gacan saydhay, waxayna arrintaasi dhalisay inuu ka mid noqdo shaqaalihii ugu horreeyay ee laga eryo shaqada oo berigaasi qoloba wax loo cuskanayay.

Kaddib markii tafsiirkii joojin waayay maadaama uu lahaa dad fara badan oo taageersan, isla markaana ay badatay dadkii dhallinyarada ahaa ee ku soo xidhmayay baraaruga Islaamka ee uu Sheekhu hormoodka ka ahaa ayaa dawladdii milateriga ahayd ay xabsiga dhigtay sanadkii 1976kii ilaa sanadkii 1982kii, waxaanu ku xidhnaa xabsigii xumaha ku caan baxay ee Labaatan Jirow la odhan jiray.Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii Labaatan Jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yidhaahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bishaba?.

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka akhrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo cadceedaba kala socday dalool yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka aan ku xidhnaa,muddo kaddib daloolkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa, taliyaha xabsiga ayaa la ii geyn jiray dhawrkii maalmoodba mar si la iiga wareysto xaaladdeyda. Waxaan u sheegay in meel dalool ah oo ay cadceeddu ka soo gasho ay dhib igu haysay, Ilaahay baa meeshii cadceeddu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo cadceeddi hadda waan ka reystay.ujeedadaydu waxay ahayd oo aan doonayay si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yidhi Sheekhu.

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas,waxa uu yidhi:- “Waxaa iigu yaab badnaa waxaa caado ii ahayd inaan Salaad walba markaan tukanayo u Eedaamo,askartii baa waxay igu yidhaahdeen:-“Waa inaad joojisaa Eedaanka”. Waxaan ku idhi:-“Xabsiyada dalka oo dhan waa laga Eedaamaaye maxaa keligey la iga rabaa”.Waxay igu yidhaahdeen:-“Waa amare jooji”,arrintaasna waa ka diiday oo ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay Eedaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu miigeeyeen, isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la i soo beddelay xabsiga dhexe, waxaana la igu xidhay qol cidhiidhi ah oo Shimbiroole la odhan jiray, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay tukhaan iyo takfi fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. In muddo ah markaan ku jiray halkaasna ku rafaadaayay ayay askartii  xabsigu  go’aansadeen inay wax ii qabtaan oo rafaadka iga yareeyaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay maydheen oo ay mariyeen ranji kaddibna ay ku xidheen laydh (nal) ayay igu yidhaahdeen:-“Shiikhow naga raalli ahaaw”.Waxaana barigii dambe dhici jirtay in dadka la soo xidhaa uu mid walbaa laaluush bixiyo si loogu soo xidho qolkaas.

Kaddib markii la soo daayay ayuu haddana sanadkii 1984kii uu dib u bilaabay tafsiirkii Quraanka, taasoo ay xukuumaddii waagaasi cadaadis ku saartay amarna ku soo rogtay inuu joojiyo, markii uu amarkaas fulin waayayna mar kale ayaa xabsiga la dhigay iyadoo waliba jidh-dil lagu sameeyay waxaana jirtayba sheeko odhanaysay in nin xabsiga lagula soo xidhay loo soo adeejiyay inuu dilo balse Eebbe korree oo nasahnaaye ayaa ka badbaadiyay.

Waagaasi uu xukunka milateri waddanka ka jiray waxaa nimankii hoggaanka u hayay ku dhawaaqeen inay waddanka ku maamulayaan habka hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, taasoo ahayd in dadku wada sinnaado hal meelna laga hago xattaa raashinka loo qaybiyo, mabda’aasi oo dadka farayay in qoysku dhinac kasta ka siman yahay, waxyaalihii ugu yaabka badnaa ee xukunkaasi soo rogay waxaa ka mid ahaa in ay rag iyo dumarku ka siman yihiin dhinac kasta xattaa dhaxalka bay yidhaahdeen way ka siman yihiin oo wiilka iyo gabadhu isku in bay dhaxalka ka qaadanayaan. Arrintaasi waxay keentay inay culimadii Soomaaliyeed ka dhiidhido, waxayna ku mutaysteen dhiidhigoodii in toban wadaad dhagta dhiigga loo daro maydkoodiina laba gudbo. Haddaba maadaama uu Sheekhu ku jiray wadaada hormoodka u ahaa bulshada Soomaaliyeed wuxuu iiga sheekeeyay mar aan waydiiyay sababta isaga culimadaas ka reebtay, waxaa uu yidhi:-” Maalin Jimce ah ayay ahayd, aniga oo isku diyaarinaya in Salaadda Jimce u xamaan qaato ayaa waxaa ii yimid sarkaal sare oo ka mid ah saraakiishii nabad sugidda ee dawladdii milateriga ahayd isagoo igu odhanaya maanta ma bixi kartid hawl baa naga kaa soo gashaye, kolba markaan u hollado inaan kaco fadhiiso ayuu igu yidhaahdaa, anigu ma ogi dhacdadii ka dhacaysay Masaajidada Muqdisho, mar uu is yidhi sarkaalkii arrintii qabqabashada wadaadadu way dhammaatay ayuu igu yidhi waan iska tagayaaye nabadgalyo , markii aan waydiiyay sababta uu Salaaddii ii seejiyayna wuxuu si cad iigu yidhi, wadaadaa wax wada, in la xidhxidho oo waliba la laayo ayaa la doonayaa, markaa waan ogahayoo adna kaw baad ka noqon, markaa si aanay seefta kacaanku kuu qaadin, maadaama aan ku jecelahay ayaan maanta kaaga hor joogsaday inaad Masaajid tagto, waxaan ku idhi buu sheekhu yidhi:-” Allahaylehe khayr iimaadan wadine Janno uun baad iga hor joogsatay””.

Kaddib markii ay dhacday xukuumaddii milateriga ahayd, isla markaana ay magaalada Muqdishu ka bilaabmeen dagaalada sokeeye Sheekhu kama bixin magaalada iyo dalkaba e wuxuu bilaabay inuu tafsiirka ka bilaabo Masaajidka wayn ee Isbahaysiga, isagoo dhinaca kalana ka waday guubaabo iyo ururin dadka walaalaha ah ee fidnada la dhex dhigay, waxa uu bilaabay inuu ka qayb qaato dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta dadka walaalaha ah, waxaa ka mid ahaa dadkii lugta wayn ku lahaa sidii maxkamadaha Islaamiga ah looga hirgalin lahaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Wuxuu socdaalo ku kala bixiyay meelo daafaha adduunka ku kala yaalla, wadamada Khaliijka ha u badnaadeene, iyo wadamada Yurub oo aan anigu shakhsiyan ugula kulmay badhtamihii sagaashanaadkii mar muddo dhawr bilood ah uu joogay waddanka Finland oo uu walaalaha Muslimiinta ee ku nool waddankaasi, siiba Soomaalida oo tafaraaruq ku kala dhex jiray uu isku taxalujiyay inuu meel iskugu keeno, isagoo sidoo kale casharo faa’iiso leh ka bixin jiray Masaajidka Raabidada Islaamka ee Fainland oo ah Masaajidkii ugu horreeyey ee laga furo waddankaasi marka laga reebo Masaajid ay dadka Tataarka ahi ka furteen Helsinki badhtamihii qarnigii tagay.

Ilaahay naxariistii Janno ha siiyee waxaa Sheekha lagu tilmaami karaa inuu ka mid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee baraarugga Islaamka ee Soomaaliya, taasoo uu qayb libaax ka qaatay baraarujinta umadda siiba dhallinyarada oo markii dambe u noqday Diinta gargaarayaal sooma jeestayaal ah.Muddo ayuu xanuun uu u jiifay loo keenay xagga waddanka Sucuudiga hase yeeshee waxaa markii dambe looga soo qaaday xagga Talyaaniga oo uu aakhirkii ku geeriyooday, waxaana maydkiisii loo qaaday xagga magaalada Muqdishu oo lagu aasay, aaskiisiina waxaa ka soo qayb galay dad fara badan oo ka mid ahaa dadkii uu wax soo baray amaba baraarugooda diimeed uu sabab u ahaa. Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ifka kaga tagay wiil, saddex gabdhood iyo hooyadood. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo….Aamiin….Aamiin…Aamiin.

F.G. Walaalayaal taariikhda Sheekha lama soo koobi karo, in yar oo kooban baanannu ka soo qornay, markaa ciddii haysa in ka badan inta aanu soo qornay,oo maqal, muuqaal iyo qoraalo kalaba ah, noo soo gudbiya Ilaahayna ha idinka abaal mariyo.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: