• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Barak Obama oo shaaca ka qaaday in uusan ciidan dagaalama u diri doonin dalalka Yaman iyo soomaaliya.


Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama ayaa shaaca ka qaaday in marnaba uu ciidan u diri doonin dalalka Soomaaliya iyo Yaman si ay ula dagaalamaan xoogagga xiriirka la leh Al-qaacida ee ku xoogan dalalkan.

Madaxweyne Obama oo la hadlayay jariiradda The Peaple ee ka soo baxda Mareykanka ayaa sheegay in aysan niyadiisa ku jirin Milatari ahaan in uu mareykanka u galo Yaman iyo Somalia.

Laakiin Obama ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay xiriir la sameysaneyso saaxiibadeeda gobolka si ay u ogaato amaanka Muwaadiniinta mareykanka ee ku sugan caalamka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jaziiradda carabta gaar ahaan dalka Yaman uu ku soo tababartay ninkii ku fashilmay in 25-kii December uu  qarxiyo diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday magaalada Didrot ee dalka Mareykanaka.

Waxaana xilgaa wixii ka dambeeyay Mareykanka ay sheegeen in aad uga cabsi qabaan weeraro Mareykanka kaga Yimaada dhinaca xoogag Islaamiyiin ah oo xiriir la leh Urur weynaha Al-qaacidda

Xafiiska weheliye wararka soomaliyeed wehlie.com

mogadisho ,somalia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: