• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Wasiirka Arimaha Dibadda Oo ka warbixiyay Kulankii Madaxweyne Shekh shariif Iyo Madaxwyne Kibaki. SAWIRRO


Waxaa soo dhamaday kulankii ay saakay ku qaateen Xarunta Madaxtooyada dalka kenya Madaxweynayaasha Wadamada Soomaliya Iyo Kenya.

Waxaa ka  warbixiyay  kulankaa Wasirka Arimaha Dibadda Somaliya Cali Jaamac Jingili waxa una sheegay in Madaxweyna sheekh shariif ugu horeyn

Wasiirka ayaa warbixiyenada u sheegay in Madaxweynuhu  ugu horeyn ka mahad celiyay  casuumad Madaxweynaha Kenya u u fidiyay, iyo  Sida wanaagsan ee loogu so dhaweeyay dalka Kenya, sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen labada madaxweyne Xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labda dal.

madaxweynuhu waxa uu uga warbixiyay Maaxweyne Kibaki xaaladda dalka hadda uu marayo xag siyaasaded, xag Amni iyo waliba Xaga bani Aadanimo , waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabaha ay ka hadleen Hishiisyo horey u dhex maray labada dal sidii loo sii adkeyn lahaa.

Mr jingili ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen labada madaxweyne ay isla afgarteen, kulankiina waxa uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad.

Waxa kale oo uu sheegay Mr jingili in maalinta Birri ah uu madaxweynuhu kulan la qaadan doonaa Wasiirka Arimaha dibadda Talyaaniga.

“R/wsaaraha Somaliya ayaa laba mar booqday Talyaaniga Wasiirkii iga horeeyay Ee arimaha Dibaddana dhowr jeer ayuu booqday, kulanaadaa faraha badan ayey daba socotaa kulanka Birri madaxweynuhu la yeelan doono Wasiirka Arimaha Dibadda Talyaaniga ” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Mr Jingili.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu uu la kulmi doono Wasiirka Arimaha Afrika U qabilsan Wadanka Britain  15 bishaan, wuxuuna kala hadli doonaa cilaaqaadka u dhaxeeya dalalka Soomaliya iyo dalka Ingiriiska.

Waxa uu sheegay wasiirku in laga filan karo natiijada kulanadaan waxyaabo badan oo hormar u ah Dowladda Soomaliya haddi ay nqon lahayday Dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo waliba gargaarka bani aadanimo, wuxuu ku sii daray in dowladahaan hadda madaxweynuhu kulanada la yeelanayo waxaan leenahay cilaaqaad wanagsan, waxa ayna ka turjumayaan sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka saxibtinimo.

Kulankaan maanta madaxweyne sheekh shariif uu la yeeshay madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxa u unoqonayaa bilowga Qorshe shaqo uu madaxweynyhu u tagay dalka Kenya.
Waxaana la filayaa isla maanta uu madaxweyne Sheekh shariif la kulmi doono Xildhibaanada ku jira barlamaanka Soomaliye ee ku sugan Dalka Kenya.
//”> //”>

//”>

W/Q: M.A.W

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: