• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Madaxweyne Shariif oo la kulmay wasiirka arrimha Dibadda Talyaaniga.DAAWO SAWIRADA


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh.Axmed iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa Galabta kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka  Talyaaniga Mr.Franko Faratini.

//”>

Kulankan ayaa wuxuu ku dhacay jawi aad u wanaagsan oo ay labada dhinac isku afgarteen sidii waxyaabo la taaban karo looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya.
Waxyaabihii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa:-

1.      In Safaaradda Talyaaniga laga furo Isbuucyo gudohood Gudaha Dalka Soomaaliya Dowladda talyaaniguna Guddi u soo dirsadaan magaalada muqdisho Si ay ugu kuur galaan halka ku haboon in laga dhiso Safaaradda.
2.     In dowladda Talyaanigu qalabeeyaan ciidamadda  badda iyo ilaalada xeebaha Soomaliya..
3.      In ciidamo Boolis ah tababar khaas ah loogu sameeyo  magaaladda Nairobi oo ay tababari doonaan ciidamo ka socda dalka Talyaaniga .

4.      In la taagero kobcinta & tayada Radio Muqdisho.
5.      In dawladda talyaanigu ka soo ururiso lacagihii ay ballan qaadeen dawladdo badan markii lagu shiray Brussels sannadkii hore.
6.      In talyaanigu uu qabto shir maalgelin loogu sameynayo dib u dhiska Soomaaliya.
7.      In wax lala qabto Soomaalida ku nool dalka talyaaniga ee Sharci la’aanta ah.
8.      In shirka UK ka dhici doona  Jan 28 ee lagaga hadli doono argagixisada Yemen lagaga hadlo sidoo kale Soomaaliya.
9.      In talyaaniga kaalmo dhaqaale  Siiyo dalka Soomaaliya.
10. In kaalmo gaar ah loo sameeyo wasaaradaha Ugu culus Xukuumadda somaliya .

//”>

Wasiirka Arimaha dibadda Talyaaniga wuxuu ballan qaaday in uu marka uu  halkan ka tago uu la kulmi doono Jaamacadda carabta, Masar iyo Hillar Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo uu dhamaan  ku boorrin doono in  ay  kaalmo la taaban karo u fidiyaan Dawladda FKMG.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in waqtigii Soomaaliya la taageeri lahaa hadda la joogo loona baahanyahay in ay beesha caalamka u soo gurmato Soomaaliya sidoo kale Madxweynuhu wuxuu ka hadlay baahida bani’adnnimo ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

//”>

Shirkaan  ayaa qeyb ka ah Kulammada uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisa la yeelanayaan Madaxda Caalamka si loo xoojiyo Xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka Calamka, waxaana Maalinta berito ah Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay kulammo la yeelan doonaan Xubno kale oo ay kamid tahay Haweeneyda Afrika u qaabilsan Xukuumadda Ingiriiska, iyadoona Sidoo kale ay Madaxweynaha iyo Wafdigiisu kulamo joogta ah la yeesheen Jaaliyadaha Soomaalida eek u sugan Kenya iyo Xubno kale.
//”>

//”>

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: