• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Madaxwyne Shariif oo la kulmay Diblomaasiyiin Maraykan ah.DAAWO SAWIRO.


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa maanta la kulamay diblomaasiyiin ka socota safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya.

//”>

Wafdi ka socda safaarada Maraykanka ee magaalada ee magaalada Nairobi ayaa manta kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxayna ka wada hadleen  arrimo quseeya xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka marayklanka eek u aadan Soomaaliya, ayagoo sheegay in dowladda maraykaku ay diyaar u tahay in ay taagerto xukuumadda Soomaaliya.

//”>

Sidoo kale wafdiga ka socda safaaradda Maraykanka ayaa sheegay in dowladda maraykanku ay taageero xagga banii’aadamnimada ah siin doonto dadka Soomaaliyeed eek u sugan gudaha dalka, halka  madaxweynhu uu sheegay in loo baahanyahay in la garab istaago shacabka Soomaaliyeed ee xaalada adag ku jira waqtigaan.

//”>

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ergada maraykanku ay tilmaameen in ay taageero siin doonaan dadka qaxootiga  Soomaalida ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya. //”>

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa manta gelinka dambe la kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu la kulmi doonaa qaar ka tirsan madaxda safaaradaha ee beesha caalamka ee ku yaala Magaalada Nairobi kuwaasoo ay ka wada hadli doonaan xaaladda dalku marayo iyo xoojinta xiriirka diplomasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamadaas.

Madaxweyanaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo madax kale oo caalamka ka socday, ayagoo u ballansan kulamo kale. //”>

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: