• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Faahfaahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Shariif iyo wasiiru dowlaha Britain ee Africa (Sawirro)


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa Duhurnimadii Maanta Hoteelka wayn ee uu ka deganyahay Magaalada Nairobi ee Bannaari ku qaabilay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska u Qaabilsaan Qaaradda Afrika  Mss.Baroness Kinnock.

//”>

Kulankaani oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimaya Waxaa Madaxweynaha dhanka Dowladda kala qeyb galay Xubno Kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG-ka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cali Axmed Jaamac Jingeli,wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Maxamed Cabdullaahi Oomaar,Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aaden, wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Fowsiyo Maxamed Sheikh, Madaxa shaqaalaha madaxtooyda C/kariim Xasan Jaamac iyo Xubno kale.
//”>
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali axmed Jaamac Jingeli oo Markii uu dhammaaday Kulankaasi kadib la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Kulankaasi uu ahaa Mid Muhiim ah islamarkaasna ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa kala hadleen wasiirka Ingiriiska ah, Arrimo faro badan oo ay ka mid yihiin Sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Amniga Soomaaliya iyo sidii ay Dowladda Ingiriisku u dardar galin laheyd Taageeridda Dowladda iyo tan bani’aadaninimada ka jirta Soomaaliya.

//”>

Kulankani oo ay wada qaateen wafdiga Madaxweynaha iyo wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan Qaaradda Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Baroness Kinnock ayaa si wanaagsan ugu soo dhammaaday Magaalada Nairobi iyadoona Labada dhinac ay isku raaceen in la xoojiyo Xiriirka ka dhexeeya Labada dal . //”>

Cali Axmed Jaamac Jingeli wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay Gebogebo marayaan Kulamada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kula qaadanayaan magaalada Nairobi madaxda Waddamada caalamka,isaga oo xusay inay goor dhow dib ugu soo laaban doonaan  magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

//”>

Waxa uuna Kulaani qeyb ka yahay Kulammada isdaba joogga ah oo ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa kula yeelanayaan Magaalada Nairobi Xubnaha sarsare ee ka tirsan waddamada Adduunka si loogu bandhigo Xaaladaha Qalafsan ee haatanba ka jirta Gudaha Soomaaliya.

//”>

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: