• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Qorrax Madoobaad maanta laga dareemay Somalia


//”> friday 15 Januray    2010  2:00pm

Qorrax Madoobaadkii ugu Darnaa Muddo 1000-Sano ah ayaa Maanta si wayn looga darreemay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Qaar kamid ah Goballada dalka ayaa mar qura kusoo baraarugay Qorraxdii oo madoobaatay iyadoo la arkayay dad faro badan oo isugu soo xoomay Meelaha Qaar si ay u fiiriyaan Qaabka ay u madoobaatay Qorraxda. //”>

Sidoo kale Meelihii sida wayn looga dareemay Qorrax Modoobaadka Maanta ayaa waxaa kamid ah Waddamo faro badan oo ku yaalla Woqooyiga Qaaradani Afrika iyadoona Culumada ku xeel dheere Cilmiga Saadaasha Hawada ay Sheegeen in Qorrax Madoobaadkaani uu yahay Midkii ugu darnaa ee Muddo Kun Sano ah ka dhaca Adduunka.

Qorrax Madoobaadka ayaa laga arkay Magaalada Muqdisho abbaarihii 8:30-ee Subaxnimo islamarkaasna markaad eegto Qorrxda ay Indhahu ku xanuunayaan,waxayna laheyd Iftiin xoogaa ah oo aan laheyn Wax Kuleyl ah.

Sheekh Axmed Cabdullaahi Xuseen (Fanax) oo Kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arrimo faro badan oo ku saabsan Waxa ay Diinta Islaamku ka qabto Marka la dareemo Falalka Mucjisooyinka nuucaan oo kale ah,isaga oo sheegay in Madoobaadka ku yimid Qorraxda uu kamid yahay Calaamadaha uu Ilaahey ugu talo galay inuu ku cabsi geliyo Dadka Addoomadiisa ah si ay u ogaadaan Jiritaanka Eebbe iyo inuu Awoodiisa u adeegsan karo wax kasto uu doono.

Sheekh Fanax oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Waxyaabaha la doonayo inay dadka Muslimiinta ah sameeyaan Xilliyada ay dhacaan Falalka Nuucaan ah,waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in Dadka Muslimiinta ah ay Alle u towbad keenaan islamrkaasna ay Dukadaan Salaadda illaa ay Qorraxdu kusoo laabaneyso sideedii hore,isaga oo intaasi ku daray in loo baahanyahay inay dadku ogaadaan inuu Alle Makhluuqa koonkan ku nool uu siduu rabo ka yeeli karo oo Qof kastana laga rabo inay Gudato waajibaadka looga fadhiyo ee dhinaca Sharciga ah.

Sheekh Fanax ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay haatan ka jiraan Falal aad u xun oo ka baxsan Shareecada Islaamka islamarkaasna aysan dadweynaha qaarkood Salaadihii waajibka  ahaa ku dukan Karin Masaajidda maadaama la Gowracayo,hase ahaatee ay Qof walbo ku dukan karto Meeshii uu rabo isaga oo u dhawaanaya Allahii uumay Koonkaan aan dul saaranahay.

Sheekha ayaa ugu baaqay Culumada Soomaaliyeed inay Kasoo baxaan Kaalintooda Diiniga ah si uga qeyb qaataan dadka Dhibaatada ku haya Bulshada islamarkaasna ay hogaan u noqdan dadka la dhibateynayo,waxa uuna hoosta ka xariiqay in haddii ay Culamada ka aamusto Falalka haatan ka jira Soomaaliya uu Alle la xisaabtami doono maalin aan manta aheyn.

Ugu danbayn ayuu ugu baaqay Sheekhu dadweynaha inay iska daayaan Waxyaabaha aan ku bannaaneyn Diinta oo ay sameynayaan Xilliyada uu Qorrax madoobaadku dhaco kuwaasoo ay kamid yihiin inay dab  Foox  ku shitaan islamarkaasna ay kusoo wareegaan Meelo badan.

Ma ahan markii ugu horreysay ay Qorraxdu Madoobaato Xilligii Nabiga (N.N.K.H) ayeey Qorraxdu madoobaatay iyadoona ay isla kulmeen Dhimashadii Wiilkii uu dhalay rasuulka ee ahaa Ibraahiim taariikhduna ku beegneyd 29-ka bishii Shawaal ee Sanadkii 10-aad ee Hijriyada, taasoo ku beegneyd Taariikhda Miilaadiga 27.janaayo.632-dii M. Saacadduna aheyd 8:30 oo Subaxnimo Sida ay Culamaa,udiinku xaqiijiyeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: