• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

xafiiska warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarkii Madaxweynaha


xafiiska warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarkii Madaxweynaha

  Saturday 16 January 2010 02:47 PM

 

Republic of Somalia
     Office of the Pressident
January 16, 2010
War-Saxaafadeed
 
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho Dib Ugu Soo Noqday Kaddib Safar-Kooban oo Ku Tagey Magaala Madaxda Kenya ee Nairobi
 
(Muqdisho, Soomaaliya – January 16, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib markii uu Madaxweynuhu safar kooban oo saddex maalmood ah uu ku tagey magaalo madaxda kenya ee Nairobi.
 
Intii uu Madaxweynahu joogey Nairobi, waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dalka Kenya Mwia Kibaki, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Franco Frattini, Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Africa, Baroness Glenys Kinnock iyo safiiro ka socda Spain, Maraykanka iyo midowga Yurub
 
Dhammaan madaxda uu Madaxweynuhu la kulmay waxay ballan qaadeen in ay laban laabayaan taageerada ay dowladahooda iyo ururada ay ka tirsan yihiin ay siinayaan dowladda DFKM ee Soomaaliya. Waxaana ballan-qaadyo waaweyn dowladda Soomaaliya u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, ballan-qaadyadaas oo ah kuwo gacan wayn ka geysan doona dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhisidda maamulka dowliga ah, fulinta adeegyada bulshada, suggidda amniga iyo xal u helidda bur-cadda badda iyo midda berriga.
 
Madaxweynuhu waxaa kale oo uu maalinnimadii jimcaha la kulmay Xil-dhibaanada Soomaaliyeed eek u sugan Nairobi, isaga oo ugu baaqay in khilaafku aanu wanaagsanayn, lagana fogaado wax alla wixii dhib u keenaya danta Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Xildhibaanada ku boorriyey in ay dalka dib ugu soo laabtaan kana qayb-qaataan bad-baadinta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Xildhibaanada xasuusiyey in ay ku dhaarteen in ay ku shaqaynayaan duruufaha adage e xiligaan ka jira Soomaaliya.
 
Initii uu madaxweynuhu joogey Kenya, waxaa kale oo uu la kulmay dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed eek u sugan Kenya. Wafdiga Madaxweynaha ee saaka ka soo degay gegida diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa ka mid ahaa, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Arrimaaha Dibadda, Wasiirka Beeraha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha.
 
Agaasinka Warfaafinta
Madaxtooyada
 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: