• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Geeraro jaceyl oo xul ah


Honey  dhaayahaaga buluugga ah, dhabanadaada guduudan

timahaaga dhuxusha ah ,ilkahaaga dhalaalaya

dhabarkaaga toosan iyo ,dhexdaadan la qoraan

Honey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay

dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa

dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii

yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine

murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo

maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo

dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana

qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa

dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,

dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo

adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin, gacaliso

……………………………….

Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo

Dhalan rugay naftiiso, Qalbigiisa wax u dhimay

Dhaawiciiso gaaroo Yuu Dheelmay leyl kii

Dhu-dhumada kajabiyay, xilli uu dayaxu dhacay

Dhaq-dhaqaaqi waayoo, Yuu dhaafshay wakhtiqii

La dhutiyay wax badan , hadba dhinac o rugay

Yuu dhamac ku shidayoo , dhabayaal cid laa hoo

Ku dhalaashay Milicdoo, dhawaaqii kayeeraba

Dhugor tiisa gubayoo , dhagta yaa la raacay

Kadheereyay raaxada, Yuu U diiyay Dhunigoo

Yuu Dhaxan ta joojiyay, Liqi waayay dheftii

sida dhidibka tiirkoo , lixaad kiisa dhumiyoo

Dhadada iyo roob-kuba , dheehiisi Baas dhigay

dusha ogu dhaceenoo, Yuu Ka reebay dhallintii

yuu dhamana hays iyo , Dheeshiyo ciyaartii

dhakafaar u gaystoo , Gooni joog ka dhigayoo

fikir uu la dhuubtiyo , kadhaxsaaray dadkoo idil

Ku dharbaaxay mowjado

Honey dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay

diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay

waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan

diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan

Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo

ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo

ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo

haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey

daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa

deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh

Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo

aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada

Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen

hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay

jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo

Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon

duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee

Ila duubo gacalooy!

10 Responses

  1. Aadbad u mahadsantihin madama ad noso diyarisen geraro macqul ah qar badana aneybo i quseyan koley wixi hada ka danbey wan ka baran dona geraro an u diro gclsadeyda thanks

  2. Waxan halkan ugu mahad celinaya shaqalaha wabside kaan baxada weyn kashaqeya qasatan madaxa wab walayal waad mahad santihin waxana raba inaad ii sheegtan sidan gacalisa deeyda oo iga fog aan kalsoni ama soo jidasho dheraad ah ugu aburilaha

  3. Waaw al manan ogen in lagahelo geeraro nucan cml ah ala manan kutiximi d0nin wabsedkan ala maxay inan geerar i guxirtay o mel an uradiyo la.aa likin s0mali waxay dhahda wixi tagay tagen hada kadib bay inani i gafakan d0nin

  4. wab sedka cadi mahan waan ka heley lkn wan wataa hal codsi oo ah in gerarada labadiyo

  5. waaaaaaaaaaw waligay is man odhan waxaad helay saa geeraro qoral ah waana geeraro runtii aan uboga lkn halkaa ka siiwada waad wanagsan tihiine

  6. waxaan se codsanayaa in aad soo galisaan heesaha qoralka iyagana waa lagama marmaan

  7. Sariigo Wiilyahaw

    Samaantii dhexdeeniyo, sidigtii nafteenu

    Igu noqotey sun iyo dacar, sambabadda beerkiyo

    Wadnaheyga saaqdoo, halis baan ku suganahay

    Sir iyo khiyaamiyo, sugeyn xumaantee

    Warkaagan sirgaxan, iyo Silacane muxu yahay?

    Sir ma qabe ilaah baa, u sahmiya wanaagoo

    Sinna uma xumaadee, sadex sano iyo dheeraad

    Naf sooman awgaa, iga samir maqabatee

    Safar weeye noloshuye, sariig wiilyahaw.

    Sumad baan ku saartoo, kaa soocdey kheyrkaa

    Haddey qoorta kuu surey, noo sahmi barwaaqoo

    Balantana ha siideyn, sagaal goor kugu iri

    Suradaha quraankiyo, qalbaan saxar laheyn iyo

    Duco kugu sagootiyay, guurna sugaayee

    Ma sahwiyo ruuxii, talo saarta eebe

    Safar weeye noloshuye, armey dunidu ku sabataa

    Sadex sano iyo dheeraad, ruux sooman awgaa

    Iga samir ma qabatee, sariigo wiilyahaw.

    Saaxiib iyo walaalihii, waalid iyo sokeeyba

    Aawadaa u seego, Sababtaada i deyrshee,

    igu dhaafe surankoo, gooni socod ahaadee

    fariintaada saakana, iiga daran seef iyo waran

    seedaha i goysoo, iga saaftey laf iyo hilib

    ruux fallan sidaan ahay, waa anigaan saqaafoo,

    dharaar socod ku raagoo, soojeed habeenkii

    sadex sano iyo dheeraad, ruux sooman awgaa

    iga samir ma qabatee, sariigo wiilyahay.

  8. All ok kkkkk

  9. bareyare55 says; nolol waa duco daa’in waxaan ka tuugay daacad inaan ahaano damir iyo dadnimo daa’in u ina siiyodaadah aan iraahno daar wacan oon dumeyn iyo daaacad baan ino rajeyna daa’in waxaan ka tuugay da’da maanta jirtoo dhan duqeyda iyo doob iney ino duceeyaan daar xalaal ahoo wacan dunnidaan lala yaabo daa’in uu ina siiyo dadka hadalkoodana allaha inaga daboolo duco waxaa mudan daacad kuwii isku ah ayuu daa’in ka aqbalaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: