• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

jaamacaada carabta oo ka hadshay xaaladda Soomaliya


Sunday 17 January 2010 03:04 PM

Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqday kooxaha ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya in ay qaataan nabadda si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee xiligan dhibaateysan

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska agaasimaha Maamulka iskaashiga Carabta iyo Afrika Samiir Xusni ayaa lagu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ee rabshadaha ka wada gudaha dalka looga baahanyahay in ay joojiyaan ayna qaataan baaqyada kala duwan ee uga imaanaya kooxahaasi Hogaanka sare ee Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka intaba ee ku aadan in ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka si looga samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee xilligan haysta dhibaatooyin kala duwan.

Warsaxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay xustay in ay lagama maarmaan tahay in taakuleyn maaliyadeed iyo mid kaleba la siiyo Dowlada FKMG Soomaaliya waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay aqoonsantahay islamar ahaantaana ay taageersantahay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taa oo ay ku sheegeen in ay aqoonsi ka haysato Beesha Caalamka ayna tahay midda sharciga ah ee lagu soo doortay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti,waxaana sidoo kale lagu xusay Warsaxaafadeedkan in Dowladda KMG Soomaaliya ay tahay midda kaliya ee laga rajo qabo in ay ku guuleystaan nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya loona baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska maamulka Iskashiga Carabta iyo Afrika Samiir Xusni ayaa lagu shaaciyey in ay tahay wax laga xumaado in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay xilligan qori wax ku raadiyaan waxaana uu ugu baaqay in wax waliba ay ku raadiyaan wadahadal si loo gaaro dib u heshiisiin Qaran

One Response

  1. Asc wad salamantìhin dhamantin inta kutaxan iyo inta isticmasha inta kadib mesha gerarada halaso qoro kuwo new ah wayo casrigu wa sicusbonanaya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: