• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

wasiirka Garsoorka oo la kulmay Maamulka Jaamacatul-Azhar


Wasiirka garsoorka iyo cadaalada Dowlada K.M.G ee Soomaaliya Sh C/raxmaan Maxamuud faarax Janaqow ayaa kulan magaalada qaahira kula qaatay sheekha jaamacada al Azhar ee dalka maser.

Sh C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqow oo kulankaas kadib qadka taleefanka ugu waramayay radiyo muqdisha isaga oo jooga dalka masar ayaa sheegay in Jaamacatul   al Azhar ay hadda Soomaaliya u soo dirtay in kabadan sodon qofood oo arday iyo macalimiin isugu jira kuwaa oo gacan ka geesanaya kor u qaadida waxbarashada ardada Soomaaliyeed inkastoo uu wasiirku tilmaamay in kaalintaan   mid ka  weyn ay soomaaliya xaq u leedahay marka loo fiiriyo deeqaha wax barasho ee Jaamacada.

Sidoo kale Sheekha iyo wasiirka garsoorka iyo cadaalada ayaa isku soo qaadeen dagaalada ka jira dalka Soomaaliya wuxuuna Sh Maxamad Sayid Dandaawi sheegay in daagaalada wali ka sii socda dalka Soomaaliya aysan aheyn kuwa ku saleysan shareecada islaamka maadaama Dowlada dalka ka jirta ay hogaaminayaan masuuliyiin go’aamiyay  ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhalinyarada ka qeyb qaadanaya dagaalada dalka soomaaliya ka socda ayuu sheekhu ku tilmaamay kuwo  maskaxada wax qaldan loogu shubay taasoo ay ugu wacantahay oqoon darrada iyo waxbarasha la’aanta daashatay dhalinta Soomaaliyeed ee mudada dheer colaadaha sokeeye la soo daalaa dhacayay.

Ugu dambeentii wasiirka ayaa sheegay in kulankaas uu guul iyo raja wanaagsan ku soo dhamaaday Sheekhuna uu ballan qaaday in Jaamacatul Azhar ay wax badan garab istaagi doonto ardayda Somaaliyeed ee ku wax barasha beelay dagaalada ka taagan dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: