• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Saraakiil, Xildhibaano & Shacab Soomaali ah oo Kenya lagu xiray


xabsi300 oo Qof oo Soomaali ah isuguna jira Dad Shacab ah, Xildhibaano iyo Saraakiil ka mid ah DKMG ah, ayay Ciidamada Amaanka Kenya Xalay ka qafaaleen Xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Islii.

Dadka la Xiray waxaa ka mid ah Taliyahii hore ee Ciidamada Militariga DKMG General Xuseen Yuusuf Dhuumaal, General Maxamed Nuur Galaal, Caasho Axmed Cabdalla, Ikraan iyo kuwo kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inaan Dadkaasi wali la siin Wax Raashin Quman ah, isla markaana ay haystaan Dhibaatooyin xun, Sidoo kale war lagama hayo Halka lagu hayo Dadkaasi.

Dadkan ayaa laga qabtay Xaafadaha, Hoteladda, Wadooyinka ku yaala Magaalada Nairobi, Mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Kenya.

Ciidamada Howl-galkaasi fuliyay waxaa la sheegayaa inay wateen 10 Gawaari, isla markaana ay si kala saar la’aan ahi u xireen.

Maxkamada Magaalada Nairobi waxaa saaka la soo taagay 7 Qof oo soomaali ah oo aan la sheegi Karin Magacyadooda.

Ku xigeenka Aadan Madoobe ninka lagu magacaabo Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay Dowlada Kenya ka codsan doonaan in la sii daayo Dadkaasi, oo ay ku jiraan 11 xildhibaan.

Dalxa wuxuu sheegay in Liiska Magacyada Xildhibaanada ay Hayso Dowlada Kenya marka ay wadanka soo galayaana loo ogolaada liiska magacyadoodana uu yaala Garoonka.

balse warar goor dhaw na soo garay ayaa shegaya in la sii daayay dhamaan xildhibanadi , sarakishi iyo shacabki la qabatay intoodii sharci laheyd ,waxa eey na ku timid dadaal badan uu bixiyay qunsulka Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo gacan weyn ka geystay sidoo loo sii deyn lahaa mas’uuliyiintan soomaaliyeed ee la xirxiray.

Falkan ayaa la sheegayaa inuu Salka ku haya Dibad baxii Rabshadaha Watay ee Jimcadii la soo Dhaafay ka dhacay Magaalada Nairobi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: