• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay Lacag cusub oo loo sameynayo Soomaaliya



Tuesday 19 January 2010 03:55 AM

Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya aayaa maanta waxay go’aamisay in xukuumaddu soo daabacdo lacag cusub oo shilin Soomaali ah.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen oo uu shir gudoominayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiir Cali Sharmarke ayaa lagu go’aamiyay in la sameeyo lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo ah astaan qaran oo dalku ku faani karo,   dowr wacanna  ka qaadan doontaa in gabi ahaan  meesha ka baxaan lacagaha sharci darrada ah ee dalka lagu daabaco.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in habka isticmaalka, hanaanka Suuq gelinta iyo wixi farsamo ah loo saari doono guddi ka kooban dhaqaale yaqaan Soomali ah iyo Kuwo caalami ah, kuwaasoo talo farsamo ka soo bixin doona sida uu dalka u geli lahayd lacagtaas cusub.

Xakamaynta qiimo dhaca shilin soomaaliga ayay dowr muhiim ah ka qaadan doontaa lacagtaan Cusub sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale waxay meesha ka saari doontaa in lacag been abuur ah lagu dhaco hantida shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirada aya sidoo kale maanta shirkooda ku magacaabay Maxamed xaaji cali in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Soomaaliya kaas oo la sheegay in uu qibrad u leeyahay howlaha Bangiyada kana soo shqeeyay bangiyo dalka Dibadiisa ku yaala.

Go’aanka golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa daba jooga hishiis dhawaan magaalada Khartuum ku dhex maray Dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya taas oo lacag cusub loogu sameynayo Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: