• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Ciidamada Kenya Raafka ay kawadaan Magalada Nairobi oo caqabad adag kunoqday Haasaawida Dhalinyarada Soomaaliyeed


Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magalada Nairobi kasocanayay raaf ay sameenayeen Ciidamada Amaanka dalka Kenya iyagoona xirxiray dad boqolaal kor udhaafayay oo laga soo qabqabtay hoteelo xaafado iyo jidadka magalada Islii.

Xariga iyo raaf ayaana kukaliftay dhalinyaro aad u fara badan oo habeenkii u qaraab tagi jirtay shukansi iyo haasaawo xaafade kale in aysan xaafadahooda kasoo bixin iyagoo kabaqanaya in ay ugacan galaan ciidamada Booliiska loonan dhaadhiciyo xabsiyada, dhalinyaradaa ayaana hada isku mashquuliya TVyada iyo jiif dhalinyaradaa ayaana markii hore ahaa kuwa maalinkii hurda habeenkiina shukaansi iyo haasaawo kamashquuli jiray

Magalada Nairobi ayaa dhalinyarada kunool waxa ay ubadanyihiin dhalinyara aan shaqeen sheegana in ay yihiin Buufis sugayaal intooda badana habeenkii ay kudhameesanjireen soo jeed iyo wareeg aya hada la sheegay in ay irida dhaxda kasoo xirteen iyagoo wadnaga farta kuhaya goorma niila soo gali doonaa un kuhayaa ,dhalinyaradaa ayaa lasheegay xitaa qofkii soo daaho anan laga fureen guriga iyagoo kabaqanayo in ay askar lasocoto .

Waxaa Jira dhalinyara fara badan uu kufashilmay been ay horey usheegeen taas oo ahaa in ay yihiin kenyan waxa loo yaqaano Soomaali Sujuu heestaana kibandha balse hada la ogaaday in aysan aheen waxii ay sheegayeen heesana sharci taas oo dhalin badan kunoqotay waji gabax .

Qaar kamid ah dhalinta magalada Nairobi kunool sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo jaceyl wadaag ah malmahan aysan nasiib uyeelan in ay kulman cabsi darteed ,sidoo kale waxaa jira wiilal iyo gabdho iyana qudbo siro ama maher hoose isku qabay in aysan il isasa saar taasi ayaana dhalinyara badan walaac xoogan kamuujiyeen.

Ciidamada Kenya ayana horay caqabad ugu ahaa haasaawida dhalinyarada Nairobi kunool kuwooda aan sharciga Kibandhaha heesan balse tan ayaa ah mid tii hore kaga sii dartay xitaa laxirayo kuwa kibandhaha leh dhalin badan oo habeen socod aheed ayaan hada guryaha yuurara iyagoo kabaqaya hadii ay soobaaxn in ay xabsi wahel unoqdaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: