• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Dab xooggan oo caawa ka kacay Bakaaraha


Dabkii xooganaa ee Caawa fiidkii ka kacay qeybo kamid ah gudaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleystay in la damiyo kadib markii la helay gawaari dab damis ah.

Dabkani oo bilowday abaara 7-fiidnimo iyo qadar 30-daqiiqo ee Caawa islamarkaana socday ku dhawaad 4-saacadood ayaa goor dambe waxaa lagu guulaystay in la damiyo, waxaana dabkan uu xoogiisa ka bilowday qeybta lagu iibiyo Shidaalka.

Dabkani oo aan ilaa iyo hada la ogeyn waxyaabaha dhaliyay kicitaankiisa ayaa waxaa uu in mudo ah ka socday qeybo katirsan gudaha Suuqa, hase ahaatee waxaa markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Durba markii uu dabku kacay ayaa waxaa baaqyo kala duwan ay ka

soo yeereen  Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed,

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo qeybaha ka duwan ee Bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo ku aadanaa  in la damiyo dabkaasi Caawa fiidkii ka kacay gudaha Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee suuqa Bakaaraha.

Boqolaal dadweyne ah ayaa markii uu dabku bilowday waxa ay ku soo xoomeen gudaha Suuqa kuwaasi oo isugu jiray qaar kamid ah ganacsatada Suuqa iyo dadweyne kale oo ka qeybqaadanayay qaabkii ay u hakin lahaayeen dabkaasi xooganaa.

Cali Muuse oo ah Madaxa gaadiidka Gurmadka deg dega ee Ambalaaska  islamarkaana qaada dadka ay dhaawacyadu soo gaaraan oo goobta uu dabku  ka kacay tagay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkii ku sugnaa goobta uu dabku kacay.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa mudo 4-saac oo xiriir ah islamarkaana dabku uu socday kadib suuro gashay in la damiyo ka gadaal markii la helay Gawaari dab damis iyadoo ilaa iyo iminkana aan si dhab ah loo ogeyn qasaarihii hantiyadeed ee ka dhashay dabkaasi caawa ka kacay qeybo kamid ah gudaha Suuqa Bakaaraha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: