• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Dadweeynaha Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay heshiiskii dhexmaray Dowlada K.M.G.ah iyo Ahlu sunna waljamaaca.


Dadweeynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Adiss ababa ay ku kala saxiixdeen Dowlada KMG ah iyo Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo u waramayaywarbaahinta Muqdisho  ayaa waxa ay soo dhaweeyeen  heshiiska  dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culuma’udiinka  Ahlu sunna waljameeca  ay ku saxiixdeen magaalada Addiss ababa ee xarunta dalkaasi itoobiya.

Dadka ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay  guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu gacan ka geysan karto xal u helida xiisadaha colaadeed  ee ka oogan Soomaaliya iyo dagaalada ay kula jiraan maleeshiyaadka dowladda ka soo horjeeda.

Haddaba dadweeynaha Soomaaliyeed oo ka soo daalay Dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka ogan gudaha dalka Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay ugu ooman yihiin nabadgelyo ka aslaaxda dalka Soomaaliya, sidaasi darteedna waxa ay cadeeyeen in ay taageero hiil iyo hoo ah ay la garab taaganyihiin Dowlada KMG ah iyo heshiiska ay la gashay culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca.

Arintani ayaa ka danbeysay kadib markii dhawaan  ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Adiss ababa dowlada KMG ah ee  Soomaaliya iyo Culuma’udiinka Ahlu sunna wal jamaaca iyadoo sidoo kale heshiiskaasi laga soo dhaweeyay Gobolada dhexe ee dalka iyadoo dibad baxyo lagu taageerayay heshiiskaasi uu ka dhacay magaaliyiin ay mid tahay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: