• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Golaha Q.midoobay oo kulan eey albaada u xiranyihin ka yeshay warbixin eey soo saren dhawan gudiga dabagalka Qaramada Mioodbay ee arimaha Soomaaliy


Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa gò‘aansaday in dib loo baaro warbixintii ay dhawaan soo saareen gudiga dabagalka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya taasoo la xiriirta habka loo isticmaalay gargaarka Soomaaliya la siiyey

Halkaan ka akhri


Golaha Amaanka oo ay ka yeesheen kulan Albaabadu ay u xirnaayeen Warbixintii dhawaan uu soo saaray gudiga dabagalka Qaramada Mioodbay ee arimaha Soomaaliya Kadib ayaa golaha amaanku waxaa ay gà‘ansadeen in la sameeyo Baaritaano iyo dabagal Buuxa oo dhinaca dibada ah oo ku saabsan arimahaasi.

Ergeyga Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Mexico oo lagu magacaabo Claude Heller oo  u gudbiyay Warbixin Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa ka hadlaysay Musuq Maasuq la sheegay in lagu sameeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya waxaana golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay gà‘aamiyeen in la sameeyo baaritaano si arrintan loogu qaado talaabooyin ku haboon wax ka qabashada musuq maasuqaasi la tilmaamay in uu hareeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa uu go’aamiyay in 10-ka maalmood ee soo socda ay kulan isugu imaan doonaa gudiga Cunaqabateynta u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyadoo kulankaasi uu ka soo qeyb galayo Waakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya si looga dhageysto warbixino dheeraad ah oo ku saabsan arimaha Musuqa Maasuqa Soomaaliya.

Dhanka kale Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Mexico Claude Heller ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uusan shaki ku jirin in uu baaritaankaasi dhacayo isagoo intaasi ku daray in loo baahanyahay in la helo xog dheeraad ah ka horta inta aan la qaadin talaabadaasi.

Hase yeeshee Agaasimaha Fulinta hay’adda cuntada aduunka ee WFP Josette Sheeran ayaa iyana sheegtay in ay iskaashi buuxa kala sameyn doonto gudiga baaraya arinkaasi baaritaan kasta oo madxbanaan islamarkaan lagu sameynayo shaqada Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo soo hadal qaaday arimaha Musuq-maasuqa ee gudiga qaramada Midoobay ay sheegeen in ay ka jiraan dalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay arimahaasi qaarkood ay wax ka jiraan halka qaar kalana uu shaki galiyay Jiritaanka, isagoo ugu dambeyntiina sheegay in ay gudi u saari doonaan arimahaasi kuwaasi oo uu tilmaamay in ay si waanagsan u soo aqrin doonaan Warbixintii qaramada Midoobay ee ku aadan arimaha gar gaarka Soomaaliya.

Isha Warka Xarunta QM

xigasho SomaliSwiss@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: