• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan gaar ah ka leh xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha dalka Soomaaliya.


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay maanta leeyihiin kalfadhi oo aan Caadi ahayn, kaasoo ay  ku dhageysanayaan warbixin uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon saddexdii bilood-ba mar ka diyaariyo arrinta Somalia.  


Warbaahinta ka howl gasha xarunta Qaramada Midoobay ayy shalay la siiyey Qeybo ka mid ah warbixintaas, ha ahaatee xoghayaha guud ayaa la sheegay inuu  si aad ah uga deyrinayo xaaladda ay Soomaaliya  ay ku sugan tahay, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay Qaramada Midoobay ka dambeysay dhisitaankeeda, si weynna u taageersan tahay.

Sidoo kale Xoghayaga guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa markii ugu horreysay ugu baaqaya dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, in ciidan caalami ah loo diro Somalia, si loo badbaadiyo DKMG ah, iyo jiritaanka hey’adaha qaranka ee sharciga ah.

Waxaa lagu wadaa in Markii uu goluhu warbixintaas dhageysto kaddib, waxaa si gaar ah u kulmaya guddi uu Goluhu horey u sameeyey, kaasoo ka baaraan-daga in cunaqabateyn la saaro dalalka iyo shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ku hor gudban yihiin dowladnimada Somalia, isla markaana ay hurinayaan colaadda.

Sida la wada ogsoon yahay Horey ayuu Golaha Ammaanku u canaantay dowladda Eritrea, oo caasimadda dalkeeda ee Asmara ku  marti-galisa Isbaheysiga Dibu-Xoreynta, lana rumeysan yahay inay hiil iyo hoo siiso ururrada Xisbul-Islaam iyo Al-Shabaab, inkastoo ay Asmara eedeyntaas gaashaanka u daruurtay.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa isagoo VOA-da u warramaya horraantii bishan, wuxuu sheegay in kalfadhigani uu noqon doono mid lagu xanuujiyo dalalka iyo shakhsiyaadka nabad-diidka ah. Intaas wuxuu ku daray in xayiraado lagu soo rogi doono garoomada iyo dekedaha ay ka taliyaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Ilo kala duwan oo sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa ii sheegay inaysan u badneyn inuu goluhu isla maanta-ba cunaqabateyn saaro Eritrea iyo shakhsiyaadka la qoonsaday, balse in Goluhu uu qaadi doono tallaabadii ugu horreysay ee uu go’aankaas ku qaadan lahaa.

Diblomaasi aan la xiriiray oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa ii sheegay in Eritrea ay waddo dadaal ay dooneyso inay ku baajiso in cunaqabateyn la saaro, iyadoo ballan qaadday inaysan hub iyo saanad u diri doonin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, isla markaana inay gacan ka geysan doonto sii deynta laba nin oo Faransiis ah oo markii hore gacanta u galay ururka Xisbul-Islaam, oo uu guddoomiye ka yahay wadaad xiriir soke la leh Asmara.

Si kastaba ha ahaatee, kalfadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qeyb ka ah dadaal caalami ah oo la doonayo in lagu badbaadiyo DKMG ah ee itaalka daran. Midowga Yurub sarkaalka masuulka uga ah arrimaha dibadda, Javier Solana, ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in khubaro xagga amniga ah oo reer Yurub ah ay horraanta bisha soo socota tagi doonaan Muqdisho, si ay u dhabbaha ugu sii xaaraan tababar uu Midowga Yurub u fidinayo ciidanka DKMG ah.

xigasho SomaliSwiss New York

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: