• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Madaxweynaha Soomaaliya oo taliye ku xigeen u magacaabay Ciidanka XDS. SAWIRRO.


 

madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay taliye ku xigeenka cidanka xooga dalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu Madaxweyne Shariif uu ku qabtay Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayuu taliye ku xigeen ugu magacaabay S/guuto C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badane, waxaana wareegtada magacaabidda saxaafadda u aqriyay madaxa Baratakoolka Madaxtooyada Mursal Maxamed Fareey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabidda taliye ku xigeenka ay qeyb ka tahay dadaladda dib u heshiisiinta ee ay dowladdu wado, wuxuuna sheegay in sidoo kale uu taliye ku xigeenku ka qeyb qaadan doono dadaalka dib loogu soo celinayo Ammaanka dalka Soomaaliya.

C/kariin Yuusuf Aadan oo maanta loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka yimid dhinaca Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca, wuxuuna madaxweynhu sheegay in ay tallabadani qeyb ka tahay heshiiskii Addis Ababa ku dhex maray Dowladda Iyo ASWJ.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in xil la qaado waqtigaan aysan ahayn wax sahlan, hase yeeshee uu dadaali doono si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo badbaadiyo, waxaana isla goobta Shirku ka dhacay ku dhaariyay Taliye ku xigeenka Wasiiru Dowlaha Gaashaan Dhigga Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa madasha magacaabidda iyo Dhaarintuba ka dhacday ku sugnaa, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay xilka loo magacaabay taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya.

 

Taliye ku xigeenka cusub ee Ciidanka XDS.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: