• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed oo booqday goobaha ay ciidamada Dowladdu kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Dowladda ayaa gallinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd booqasho ku tagay aagag ay ciidanka Dowladdu kaga sugan yihiin degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo xubnaha la socda oo si dhuumaaleysi ah ku tagay halkaas ayaa waxay kulan kula qaateen Saraakiisha ciidamada Dowladda sida taliyaha ciidanka Xoogga dalka Gen. Maxamed Geelle Kaahiye iyo ku xigeennadiisa.

Madaxweynaha iyo saraakiisha ayaa waxaa la sheegay inay kulankaas kaga hadleen xaaladda deegaannadaas, iyadoo saxaafadda loo diiday inay kulankaas goobjoog ka ahaato, waxaana war kasoo baxay Dowladda lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ku amaanay saraakiisha sida ay ugu howlan yihiin sugidda ammaanka.

Goobaha uu booqday Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Fiat, xarunta gaadiidka Booliiska iyo goobo kale oo ku dhow, isagoo isla shalay gallinkii dambe dib ugu laabtay xaruntooda Madaxtooyada.

Deegaannadan ayaa waxaa ka dhacay todobaad ka hor dagaallo uu hoggaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif ayna qayb ka ahaayeen ciidamada AMISOM, waxaana ku dhintay dagaalladaas shacab fara badan, halka kuwo kalena ay dhaawacyo ka gaareen.

Ma ahan markii ugu horresyay oo Madaxweyne Sheekh Shariif uu booqdo goobo ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo Madaxda sarsare ee Xarrakatul Shabaab ay ku baaqeen inay xoogaggooda mideynayaan.

Leave a comment