• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

GUUR MA WAX LOO DHIGAA JIRA?


Sideedaba waxaa guurka asaas u ah jacaylka iyo is fahamka labada lamaane, mise Soomaali hadaynu nahay jacaylka labada qofee is qaba ceeb ayaynu u naqaanaa? oo kan khayaaliga ah ee horaynu aaminsan ahay? mayee saas ma’ahee jacaylku waa kan danbe ilaahayna  waaka qur’aankiisa ku sheegay inuu labada is qaba dhexdooda dhegay (mawadatun waraxmah)mawadadu waa ka darajo saraysaa jacaylka subxaana laah!taa xagee lagu ilaaway ?.


Marka hadii aasaaska qoysku yahay waxa jacaylka la yiraahdo weli ma is waydiinay jacaylka waxa kobcin kara ama wax u dhimi kara? Shakhsi ahaan tan hadaan isku dayo jawaabteeda waxyaalaha jacaylka kobciya waxaa ka mida: kala danbaynta amase ixtiraamka,wada tashiga, saburka, qanaacada raxmada, Saamaxaada, daacadni mada ,xiwaarka,amase wada hadalka wanaaga oo lays waydaar sado.


Waqti munaasaba oo lawada hadlo sirtoon debada loo saarin,maqalka aan la maqal dadka dibadeed een danta guriga u danaynayn, waayo tani waa mid raad wayn ku reebta reerka iyo runtii in badanoo aanan halkan ku soo koobi Karin !sidoo kale hadaynu eegno waxyaal aha wax u dhima amase nusqaamiya jacaylka  ,waa daacad darada, beenta ,xaqiraada, dadka Kale oon reerka u danaynayn oo la dhegaysto,raxmad darada,isla waynaanta dulqaad la’aanta, dabci xumada, dhaqaale xumida ,inkastoo qanaacada waxa la yiraahdaa aanay ahayn in qofku xoolo badan haysto balse ay tahay qalbada siduu nebigu(swc)sheegay,sidoo kale marxalada cilmi ee labada qof ,da’da , dhaqanka amase degaanka .


Isku soo duuboo waxaabad moodaa hadaynu shacabka soomaali la yiraahdo nahay  inaan ceeb u aragno jacaylka labada isqaba !taana waxaa kuu cadaynaysa sida caadadu tahay markii la arko nin reerkiisa u jajaban waa akhyaarkiiye ,waxaad arkaysaa in la isticmaalayo luuqad aad,aad iyo aad u la yaabto sida “naa way falatay caadi ma’aha,waxba uma taliyo iyo waa kaatunkeedii iyo waxyaalo kaloo la halmaala ”Sidoo kale qofka dumara “ naa waa doqon, wuu fashay, way ka baqdaa isagaa u taliya , waxba ma kala oga ,waa cad iyo waxyaalo kaloo la halmaala! guurka ka horna waxaa la yiraahda alah hebel iyo heblaayo ways jecel yihiin!!  sidii Qays iyo layla,Cilmi Boodhari iyo cawral iyo Cali Maax ,dhibi kuma jirto oo wax dookh la yiraahdo ayaa jira,laakiin waxaabad moodaa in jacaylkii hore ee dhalanteedka ahaa  lagu ilaaway kii danbe ee runta ahaa waayo weli ma’aan arag geedibaa marwadiisii shankaroon aawadeed u geeriyooday?

Waxaan u malaynayaa in taasi haday dhacdo wax qariiba loo arki lahaa ,sideedana waan wada ognahay bulshadu ma islaaxdo ilaa qoysku islaaxo mooyaane!marka xalku waa in labada is qabaa jacayl iyo wanaag ay is dhaafsanayaan kuwada noolaadaan ,iyagoo ilaawaya dadka ku hareeraysan danahoodana cid walba ka raacanaya!.


Marka hadal iyo dhamaantii ,guurku haduu sidan qaali u yahay maxaa beryahan danbe aanay ukala duwanayn shaadhadhka  la gashanayo iyo guurku? Maxaa guryo bur burkii u batay ?maxaa masuuliyadii cuslayd ee la qaaday dadka intooda badni u dhayal sadeen? Yaase khaladka leh ma raga mise dumarka, soomaalaan suaashan jawaabteeda u daayay!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: