• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

WAQTIGA IYO WAAYIHIISA


“Nolosha bani’aadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba.  Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa.”

Shalay, Maanta iyo Berrito

Dadka adduunka maanta ku nool lama arko laba isku diiddan qiimuhuu waqtigu leeyahay.  Qofka dhalashadiisa, korriinkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, guurkiisa, taranka qoyskiisa iyo dhimashadiisa waqtiga ayaa lagu xisaabaa. Qorshe kasta oo loogu tala-gelayo bulsho horumarkeeda, iyadana xisaab waqti ayaa lagu dejiyaa.  Waqtiga marka lagu fasiro inuu xilliga keliya tilmaan u yahay sida saacado..maalmo..bilo..sannado xiriirsan oo iska daba tegaya, waa mid si fudud loo wada garan karo.  Waqtigu wuxuu la jaanqaadaa garaaca wadnaha. Socodkiisa lama baacin karo. Lama hakin karo Dib in loo ceshaana waa ruux damcay qorrax duhur joogta in uu iftiinkeeda baabaco ku daboolo.

Waqtiga raadkiisu nolosha korkeeda ayuu ka muuqdaa.  Wuxuu ku qormaa qofka foolkiisa, geedka jirriddiisa, dhismaha derbiyadiisa, haadka baalashiisa.  Da’da cid walba soo marta, meelahaas ayaa laga cabbir qaataa, lagu gartaa facooda.  Guud ahaan dhinacaas waa laysku wada raacsan yahay- mutacallin iyo ma-gudbe, dal sabool ah iyo mid hodon ah, dawlad soo koraysa iyo tan ugu awood iyo aqoon weyn dunida.  Misna waqtigoo keligi iska daba rogmayaa micne ma yeesheen ee waxa micne iyo qiime u yeelaa waa dadka waxqabadkooda, himiladooda iyo had walba guusha iyo guuldarrada ay geeddigooda kala kulmaan.

Taas ayaa keentay in dadku taariikhda saddex xilli u kala saaraan:

Xilli lasoo gudbey (SHALAY)
Xilli lagu jiro (MAANTA)
Xilli laga dhur sugayo (BERRITO)

Aragtiyo kala duwan ayaa dadku xilliyadaas ku fasiraan.  Mawqifyo kala fogna way ka kala taagan yihiin.  Aragtiyadaas oo aad u badan, bal aan halkan saddex keliya kusoo qaadanno:

Aragtida Kowaad

Waa midda taageersan xilligii la soo gudbay.  Waxay qabtaa in habkii iyo dhaqankii hore lagu dhaqmi jirey wax innaba u dhigmi karaa aysan jirin.. jirina doonin.  Aragtidaasi dooddeeda iyo dadaalkeeda waxay saartaa in loo noqdo casrigaas ay ku tilmaanto in uu mid dahab ah ahaa.

Aragtida Labaad

Si buuxda oo mutuxan ayey tan hore uga soo horjeeddaa. In loo muraaqoodo xilli lasoo gudbey waxay u aragtaa in ay tahay maqaar duugoobey oo lays daba jiidayo.  Xilliba xilliguu ka dambeeyo in uu ka wacan yahay ayey ku nuux-nuuxstaa. Aragtidani waxay xigmaddeeda ku ururisaa ‘ Xilli tegey waxba yaan loo hanqal taagin, ee casriga lagu jiro cajabtiisa lagu ashqaraarayaa Yaanay ku seegin.

Aragtida Saddexaad

Labada horeba way diiddan tahay sida ay xilli goonni ah isugu dhejinayaan.  Kala-googoynta iyo kala-qoqobka xilliyada gef weyn bay u aragtaa.  Waxay aragtidani la soo taagan tahay in uu xilligu isku-sii-deys taxane ah oo aan kala qaybsamayn yahay. Shalay, maanta, iyo berrito ayaa is wada weydaaran kara, oo midiba tan meesha kale geli kartaa, ilbaxnimada ama dib-u-dhaca ku duugan awgeed.

Geological Time

Nolosha baniaadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. horumar iyo dib-u-gurasho tahay.. tanaad iyo dabar-go’ tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Waaya-aragguna casharka laga kororsado yahay, Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba.  Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa.

Tilmaan gaaban haddaan soo qaadanno:

Shalay, konton sano ka hor siday Soomaalidu isugu duubnayd.. ummadnimo ku walaalaysnayd.. gumeysi shisheeye meel uga soo wada jeeddey.. midnimadeeda ku dhaadanaysey.. dunidan jaqaafisay u higsanaysey.

Maanta siday isu cayrsatay..isu cuntay.. u marin habawday.. qarannimadii u loogtay oo u lumisay.  Ma laba isu dhigmaa? Maanta iyo shalay waa iyama?

Haddii si kale loo dhigo:

Xornimadii, dawladnimadii, midnimadii iyo qarannimadii dadka Soomaaliyeed nafta u hurayeen, ma ahayn arrin shalay ku ekayd keliya ee maantana way taagan tahay.  Sidoo kale Shalay, toddobaatan sano ka hor, Xaaraama-cune ayaa inna soo maray oo lagu hoobtay.

Maantana isagoo ka sii daran ayuu innagu habsaday..dad iyo duunyoba ku riiqmeen. Berritona laga yaabee, haddaan laga sii tabaabushaysan, in lala kulmo isagoo oodihiisa watta.

Iyadoo kooban, Xilli waliba wuxuu wataa in soo-qaadasho leh, iyo in xoorid leh si kasta ha u kala badnaadeene. Hana illaawin weligaa intaad qof ahaan xooridda ku xisaabaysid, cid kalay soo-qaadashada ugu jirtaa e !

Sidaas ayaa saddexda xilli ee xayndaabka adag loo kala samaynayaa ay taariikh ahaan u wada socdaan.. isugu dhafan yihiin.. isu dhafan-dhaafayaan.  Mar walba sareedada laga dheefo ama saxariirka laga la kulmaa astaan u ah.  Dhugmadaasi waxay inna baraysaa in saddexda xilli qof walba, meel walba, had walba ku wada kulansan yihiin, iyadoo qof kastaaba casharka uu door bido ka xulanayo, una hawlgelayo hirgelintiisa, una hanqal taagayo ka-lib-keenidda himiladiisa .

Nolosha baniaadmigu way ka murugsan tahay sida la moodaayo. Si aan marna la malayn karayn ayey isugu moordhaysan tahay. Waqtiguna waa sidoo kale.

Maslah Abduulahi

maslax21@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: