• booqadayaasha

    free counters
  • i love somalia

  • date

Uur ku taallo jaceyl iyo Geeraar jaceyl ah



Nolosha jaceylka
Iga hano salaan kalgaceyl iyo xubbi ku dheehan.


//
//

waa naf dooratay aragtidaada, damiirkeeda  shaqsiyadeedna uu cabbiray in aad adiga u noqon karto hormuud.

Taasoo ay sababtay gacalo nafteeyda oo kuu qabto haraad xooggan.

Waxay hanashadaadu ii tahay horumarka nolosha, horjoogaaguna waa ii naruuro, la noolanshahaaga waa ii nasteexo, la aantaa noloshu wax micno ah ii ma sameeyneyso.

Waxaan ahay asaagaa kaa eeganaya aadmiga oo idil.

Waxyeelku waa xumo gurigeed.

Doonisteydu waa mid saldhigeedu yahay mustaqbalka aayaha danbe. Indho urooneey, hididdiiladeydu waxay ku haboonaan lahayd anigoo hooy kula gala oo aad noqoto hooyo ubad leh.

Sibiq tii sal iyo baar ku saaqday nafteeydaay. Sekenkaan soo xusuustaa suuradaada wacaniyo, suubanaanta asluubtiyo samirkiyo dulqaadkaa, salalaa saqdii dhexe.

samri waayay saluuglaay, saadaashii nafteeydaay, soow suntiisii jaceylku ima goynin seedaha, saacaddii i dhaaftana salaloo ma seexdo`e. Saafidaan jeclayeey silic dilyootay nafteeyduye. Samri waayay la`aantaa, samri waayay la`aantaa, samri waayay la`aantaa.

(S)Sahal maahan caashaqa hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhaxdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaane hadba si kugu soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa furiin maxaa ka dhigay?.
(S)Suuban waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan kuugu tiriyaa  Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa  Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida  Sidii sabi dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa Sadax iyo toban sano  Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu siyaadoo  Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo  Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo  Sanka iga duleelshoo Suudiyo cadceedkulul  Saynabeey i,dhigayoo Maanta aan lasoognahay  Hadba dhinac ii,sida,oo Marba,aan lasarakici  Naftu way siloontoo Samir qaadan waysoo
(S)Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.
(S)Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa’inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.
(x)  xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u xiisaye xaalkiis war iga sii.
Qoraa .M.A

 

24 Responses

  1. Wa buka xabibi wa bistay ma ogtahay beer iguma yaaloo adigay gala baxay bishimaheyga hadal iyo baashal waan kareeboo adaa iiroone bisinkee xageen tagi

  2. xubigii jaceykeena xiro noogu ood xaasid noogu ilaali gacaliso nafteeda tii ayjaclaatoo marka hore iiga hano salaan salaantaasoo saadaalinaysa samaan sifeyneysa xishood suulineysa xumaan sahmineesa nolol saadaasheedun aad iyo aad ay uwacantahay taa oo ay kuu soo gudbinaayaan dhamaan xubnaha jirkeega oo idil xabiibti runtii hadii aan kuu daadeeqo dulacda dalabka qoraalkeega waxaan rawaa inaan kuusoo gudbiyo fariin kasocota qalbigeyga
    xubi runtii hadaan kuu sheego jaceylka aan kuu qawo ama aan qaayaasaa aan iraahdo runtii waxaaas la egyahay inka badan biyaha badda
    taasna waxaa daliil u ah adiga
    lasoco qeebta lamaad

  3. waa jiraa jaceyloo lafuhuu ja jabiyaa laakin waxaan ilaahay ka baryayaa qofkuu caashaq soo haleelo inuu ilaahay u naxariisto uuna ku helo jaceylkiisa si dhib yar waa cudur dilaa ah waa cudur aan dawo lahayn cudurada aan la dabar goynin caashaqa halagu daro aduunkee

  4. Ikraanay hadal laysku dhiibo warqadlaysku xaaja ku madhamaatee dhaayahaaga saar kalgacedka waa dahab waana nolaldarenkoo darankii naftaydaay waxaa iga dardaaran oo dawo noqakara labadi isdo ratoo ku dadaasho casho in aan noqono

  5. anigoo ah hebel waxaana ahay wiil soomaliyeed oo ku dhashay gobolka shabellada hoose gaar ahaan magalo madaxda marka cadey waxaan so maray taariiq asaaxay iiga dhagaysta

    marka aan idin bilaawo aniga waxaan ahay qof jira 23 marka waxaaan soo maray jaceyl aad u kulul marka gabar ayaan wada soconay in ka badan 5 sano marka gabadha waxay la noolayd ayeeyadeda iyo gabar uu adeerkeeda qabo gabadha markay waxay ahayd gabar aan si xad dhaaf ah u jeclahay marka ka dib gabadhii si walba ha ahaate aniga iyo iyada waa nagala kala ilaalin jiray iyadoona nala kala ilaalinaya waan heli kulmi jirnay marka aniga gurigayna ma uusan ku jirin tel olonpig ah waxaa ku jiray hormuud iyadane olonbig marka waxaan kala xiriiri jiray baranji ayaa lacag ku bixinjiray intaso sacaad ayaan la hadli jiray shekada waxay ka dhacaysaa soomalia gaar ahaan marka markaa waxay sidaa ahaataba markii danbe waaxaan helay wiil aan ilmo eedo nahay markaa gurigoda ayaan ka waci jiray markii danbe hasa ahaatee wiilkii ayaan baray gabadhii waxaana u baray dumashi nimo marka aniga safaraa isoo galay oo kenya ah marka qoftii waan u sheegay raalina ayey ka ahayd wana ku hashiinay inaaan isgu qabno kalsooni aniga waan so baxay gabadhii waaan xariirin jiray mar waliba waxay sidaa ahaataba b=gabadhii gadashaydii wiilkii aan baray aan ilmo eedada ahayn ayaaan gabadhii shukaansi ku bilaaway iyada way ka yeshay aniga waan so wacaa caadi ayey isaga kaa dhigaysaa waxay sidaa ahaataba aniga waan soo laabtay magaladii ayaan ku soo laabtay qoftii waxaan arkaa anan sidii hore ii ahayn marka aniga hadane waan isaga so tagay soomalia gabadhii ninki ayaa ku wareergay aqyaaray arintaasi haday adiga kuugu dhici lahayd maxaad samayn lahayd

    • waa arin naxdin leeh walahi sanadkaan nin iyo naag bah lama amino aniga waxaan aheed gabar kunuul wadanka canada waxanah jecladey wiil oo muda 3sano aan wada shekeysaneyney anagoo guur kuhesheney boo naag kale guursadey oo xitaa ila socodsinin waa layaab marka nin iyo naag bah lama amino specially somali guys

      • Anigu waxaan aamin sanahay naag naag laga racay ama nin nin laga racay waxa keenay ineey tahay qof kaas oon mar kii hore la jacleeyn! een specially somalidoo dhana ayagoon qofka ka sal garin ayeye iska jeclaadan iska ilaali nin adan guursan oo nolo la wadaagin inaad jeclaato ku ekee only rabitan haduu bari katago si aad u ilowdo that is only way aad nolol fican ku heli karto Alxubu bacdil sawaj!

  6. wooooooooow wlh been ma ahan silsilid waaye dunida hadba si kugu soo mareeso taasa beeen aheeen bro noolaw 4ever

  7. jeceelkeena inoo ilaaliyoo cadawgu waa badan yahayee
    ha kudarsamin kuwa jeceelka gooyee
    iinoqo inan wanaagsanoo raacdo danta jeceelkeenoo
    taas ayaa liibaan teenu ku jirtaa
    Q.R.E:zakaria abdirahman ibraahim faarax

  8. Dadnimada aqonso sidi dumar xishoyo aragi ladijiray haigu oran inanyahy gayankey ba dadka kaboxe galaigaa hais qalisen kaftanka yana kulatagay wa iga talo by abajii

  9. Indho oo manoo ama kaagsan baad aragooda tahay dhago dhoohanoo dhinac ubadanbaad dhug madooda tahay qalbi quustayoo si uqaadan baad qoyaankiisa tahay xubno daalayoo xakamaysan baaad xubigooda tahay

  10. Asc sln kabacdi waxaan rabaa inaan qiso soo ban dhigto walal

    • walal sorry for the late muxudiin bro qisadaada waxaa noogu soo diritaa emailka:liinta22@hotmail.co.uk

      anagana ayaa usoo bandhigeyno kuno soo qoridoonno magacaada thnx

  11. Jwb ayaan idan kasogaa

  12. hi

  13. asc dhamaan asxaabta jaceelka haayo iyo kuwa kalbe war aduunkaan cadi mahan gabar aan fecebook iska barany oo mudoo badan aan wda soconay 3 bilood aa markii aan kulanay w axey igu noqotay qof mar hore la leensaday ama la guursaday yaab walahi gabdhhaa fecbook yaan leesku haleen

  14. Waaaaaaaaaw

  15. Anas isse
    aniga waxan ahaa will dagan xaafada wardhiikley qasatan xamar bile gabar ayan classmate eheen mudo badan aad bey ii jecleed mudo kadib gabadhi waxa aan uheestay walaltinimo wax igama qarsan jirin ayadoo saa tahay waxa aan maqlay maalin anigoo barxad banooni ah joogo in gabadhi ay sakarad tahay anigana 3 bari ma arkin xaafad kale ayeey kumaqneed oo aabahed xaas kale kulaha anigo ogeen ayaa la ii sheegay mana garaneen meel aan udoono wayo gabadha walaltinimo fiican ayan uqabay waxa subixi la ii sheegay in xanuun keea halis yahay anigo class ka imadaya ayan abaaray meeshi ay jooktay oo hospital madina ahaa habenki ayan dhahay aniga ayaa lajooga waayo gabadha wiil lama dhalan waa la ii diiday ayadana ima oga nasiib xumo anoo habeenki meeshi fadhiya ayaan arkay qof loo sii wado qeebta meedka makshakin maa ku ogeen xanuun nuucaas ah kadib waxanaan aray gabdhi hooyadeed oo itaqanay oo ilmeene aniga wan iska soo tagay anoo arkin maalinteey xanuunka ku bilawday ilaa geerideedi qogna ma weydiin xanuunkeeda qabkoow ahaa maalinta mudo 8 bilod kadib ayan maqlay in gabdha ay ani ijecleed waliba xanuunki bilawgiisa uu keenay jaceelka taas ayaana sabab looga dhigay aniga naxdinti aan qaaday 4 sano gabar xita mashukansan allaha unaxariito aaqiro isku arkeena aaamiiiin

  16. Asc akhyaaree salaanta islaamka iga qaada madaama uu alla inoogu nasteexeeyay islaam nimada haddii aan fakirkeyga ka dhiibto arimaha jaceylka runtii jaceylku wuu wajiyo badan yahay laakin waxaa ugu daran midka fakhriga kugu soo maro haddaba hadaadan horay u arag anaa arkee isu’aala dhalin yare jaceelbaa isoo maray anigoo u dhaxeeyo da’da 17.ilaa18 hadana aan ahay 24 gabar somaliyed baan jeclaaday alla xumaa haddii laguu ogeyn jaceelka misna laguu fahmo walaal gabadhii wiil ka yimid yurub aa la saaxiibay gabadhii tel gurigoda ma lahen gurigeyga bey ka wici jirtay ana si aan qalbigeeda u ilaaliyo hadimada aan ka dhowri jiray waan u yeeri jiray gabadhii waxaa dhacday musiibo ninkii aa si xoose u uureeyay misna ku inkiray dhalinyaro maxaad ka dhihi laheedeen gabadhaas iyo aniga jwb ku soo dir fdln facebook or hotmail cadnaanlove@live.com

  17. asc asxabeey magaceyga waa xuriyo waxaa jogaa dalka saudi carwiya waxaa igu dhacday oo igu xumed waxaaa jeclhy wiil jogo dalka south africa blze ani iyo asi waaan is jecelnhy misna shekadiisa ma ahan mid iqancineyso hadaaa wada shekeysaneeno msxaa sababay asxabeey?

Leave a reply to C.MAALIK Cancel reply